Yinghua Academy
Qiimaynta dadaalka dugsiga
Ku saabsan
Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha
English, Mandarin
Barnaamijyo dheeri ah
Yinghua Academy waxa uu bixiyaa barnaamijyo ballaaran oo kala duwan oo dugsiga ka dib ah. Fasalada kobcinta ayaa diyaara sanadka oo dhan sida robodyada, qoob ka ciyaarka, iyo fasalada farshaxanka, haddaan dhawr ka magacaabo. Dugsigu wuxuu sidoo kale leeyahay Keydka Muusiga wuxuuna bixiyaa casharo gaar ah oo ku saabsan qalabka muusiga sida gitaarka, biyaanada, kabanka, qalabka dhaqanka ee Shiinaha, & qaar kale oo badan. Waxbaris gaar ah ayaa sidoo kale la heli karaa saacadaha iskuulka kadib.
Extracurriculars Offered:
Cultural Extracurriculars, Debate/Speech Clubs, Environmental/Outdoors Clubs, Music, Sports, Visual Arts Clubs
Uniforms
Students who attend Yinghua Academy are required to wear uniforms.
Sida la isku diiwaangeliyo
To enroll, contact Renee Cosgrove at (612) 788-9095 or renee.cosgrove@yinghuaacademy.org.
Ardayda joogta dugsigan
Macalimiinta joogta dugsigan
Celceliska ardayga marka loo barbardhigo saamiga macalinka
Tacliin
100%
Barnaamijyada aqoonta
Yinghua Academy waa dugsiga kaliya leh kaqeybgalka buuxa ee luuqadda Shiinaha ee Mandarin ee fasallada K-8 ee gaarka loo maamulo ee ku yaal Minneapolis, Minnesota. Goobta Yinghua, waxa ay hiigsanayaan inay ardaydooda siiyaan waaya-aragnimo gaar ah oo dhigashada luuqadda Mandarin ah iyo waxbarashada kusaabsan dhaqanka Shiinaha. Macalimiinta dhiga Yinghua badankooda waa kuwa u dhashay kuna hadla luuqadda Mandarin waxa ayna si fiican u yaqaanaan luuqadooda iyaga oo baraya ardayda laga bilaabo dugsiga barbaarinta ubadka ilaa fasalka siddeedaad. Ardayda Yinghua waxa ay barashada Fanka Luuqadda Af-Ingiriisiga ku bilaabaan fasalka labaad, waxaana si lamid ah bara macalimiin u dhashay ku hadalka Af-Ingiriisiga. Yinghua waxa ay ku dadaashaa in ardaydoodu noqdaan kuwo ku hawlan & muwaadiniin caalami ah oo wax soo saar leh, kuwaas oo si fiican ugu diyaar garoobay dugsiga sare iyo wixii ka dambeeya. Qalinjabiyayaasha Yinghua waa isku kalsoon yihiin u doodeyaal, hoggaamiyeyaal mas’uul ah, iyo xubno ku hawlan bulshadooda.
Academic Programs Offered:
Language Immersion
Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah
Waaxda Waxbarashada Gaarka ah ee Yinghua Academy waa koox ka kooban xirfadlayaal ay ka go’an tahay oo aqoon leh oo taageera siiya ardayda leh Individualized Education Programs (Barnaamijyada Waxbarashada Shakhsi ahaaneed, IEP). Yinghua Academy waxa uu leeyahay 4 macalin oo dhigta waxbarashada gaarka ah oo shati haysta, 2 dhakhtar oo hadalka & luqadda ah kuwaas oo ardayda ku baxnaaniya Af-Ingiriisi & Mandarin, iyo 3 xirfad-yaqaan oo laba luuqadood ku hadla. Xirfad-yaqaanada Yinghua waxa ay ardayda ku caawiyaan fasallada iyagoo siinaya taageerada tacliinta ama habdhaqanka. Kooxda Waxbarashada Gaarka ah waxa ay si dhow ula shaqeeyaan shaqaalaha iyo qoysaska Yinghua si ay u abuuraan una hirgeliyaan jawi waxbarasho oo ah mid ay heli karaan ardayda Yinghua.
Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska
Yinghua Academy wuxuu rumeysan yahay inay faa’iido u tahay ardaydiisu inay aqoon u lahaadaan luuqado badan. Marka ay ardaydu iska diiwaangeliyaan Yinghua, Waaxda Waxbarashada ee Minnesota waxa ay ubaahan tahay in canug kasta laga buuxiyo foomka Sahanka Luuqadda ee Minnesota. Ardayda leh dhexgalka luuqado aan ahayn Af-Ingiriisiga waxaa lagu qiimeeyaa tijaabada baaraha ELL. Ardayda uqalanta ELL iyada oo lagu saleynayo qiimeyntan waxa ay waxbarashada caadiga ah kaqaataan macalin ELL oo rukhsad haysta. Barnaamijka ELL ee Yinghua waxaa loogu talagalay inuu ardayda ka caawiyo sidii ay u hanan lahaayeen aqoonta luuqadda tacliinta ee Af-Ingiriisiga iyo helitaanka barida casharka ee heerka fasal ee maadooyinka oo dhan. Gu’ kasta, ardayda ELL waxa ay sameeyaan imtixaanka heerka qaran ee ELL ACCESS. Haddii natiijooyinku muujiyaan in dhammaan ardayda ELL ay buuxiyaan heerarka aqoonta Af-Ingiriisiga, sanadka soo socda ayey ka baxayaan barnaamijka ELL. Yinghua Academy waxa uu rumeysan yahay waxbarashada gaarka ah ee ELL ay ardayda ka caawin doonto hanashada aqoonta Af-Ingiriisiga oo ayna guul ka gaaraan dugsiga.
Aqoon
8 oo arday 10 ah ayaa ku dadaala heerka xisaabta fasalka
7 oo arday 10 ah ayaa heerka fasalka wax aqriya
Horumar
9 intaas oo arday 10 ah ayaa horumar sameeynaya si ay uga qalin jebiyaan heerka xisaabta fasalka
8 intaas oo arday 10 ah ayaa horumar sameeynaya si ay uga qalin jebiyaan heerka wax aqriska fasalka
Cimilo
83%
Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay
Yinghua Academy wuxuu leeyahay 5 qiyam oo sees u ah falsafadooda, hiigsigooda, & yoolalkooda. Qiyamyadani waa: badqabka, ku hadalka af Shiineeska, waxbarashada, farxada, & muwaadininimo caalami ah. Badqabku wuxuu koobsanayaa dadaalka Yinghua ee siinta dhammaan ardayda deegaan badqaba shucuur ahaan & jidh ahaanba si ay wax ugu bartaan & ugua koraan. Maaddaama ay tahay dugsiga charter-ka ah ee lagu barto luuqadda Mandariin, waxay dadaal ugu jiraan in dhammaan ardaydu gaaraan aqris iyo hadal xirfad sare ah oo ku saabsan luuqadda Mandariin, iyaga oo baranaya una isticmaalaya Mandariin intii ugu badnaan karto. Manhajka Yinghua waxa si weyn loogu diyaariyey in lagu caawiyo qiyamkan & hubiyo fursadaha waxbarasho ee tayada ugu sareysa leh oo dhammaan ardaydu hesho, gudaha & dibada fasalkaba. Muwaadininimada caalamiga ah waa seeska Yinghua, madaama ay qadariyaan deegaan ixtiraam leh oo dhisaya wanaaga dadka kale, kobcinaya maanka danta guud, & xanaaneynaya ardaydooda si ay ugu firfircoonaadaan bulshada caalamka.
Discipline Policy
Yinghua Academy waxa uu adeegsadaa Habka Fasalka ee Jawaabta leh si uu jawi waxbarasho oo ammaan ah, dhiirigelin, iyo farxad leh ugu abuuro fasalada oo dhan. Habkani, oo ay ansixisay Waaxda Waxbarashada ee Minnesota, waxa uu isku keenayaa barashada bulshonimada iyo tacliinta isagoo isticmaalaya xeelado baraatiko ah. Isagoo mudnaanta siinaya badbaadada, Yinghua wuxuu xaqiijiyaa in ardayda iyo shaqaaluhuba ay dareemaan jawi ammaan ah. Macallimiintu waxa ay si dhow ula shaqeeyaan ardayda iyo waalidiinta si ay wax uga qabtaan caqabadaha hor istaagi kara waxbarashada. Si uu u buuxiyo shuruudaha tacliinta, habdhaqanka, iyo caafimaadka maskaxda ee ardayda, Yinghua wuxuu huraa kheyraad badan. Edbinta waxaa loo arkaa in ay tahay qaab lagu hagayo habdhaqanka ardayda iyo gudashada baahiyahooda. Koox–ay ku jiraan maamulayaal, barayaal, arday, iyo waalidiin–ayaa ka wada shaqeeya arrimaha edbinta, iyagoo bixinaya kheyraad wax looga qabanayo baahiyaha bulsheed, shucuureed, iyo caafimaadka dhimirka. Macluumaad iyo kheyraad lagu joogteynayo deegaan dugsi oo ammaan ah, loona dhan yahay ayaa sidoo kale la isla wadaagaa.
Haynta macalinka
Imaanshaha
Adaabta
Sinnaan
88%
Aragtida sinnaanta
Yinghua Academy waxa uu xusaa kala duwanaanshaha waxa uuna kobciyaa dhaqan loo wada dhan yahay halkaas oo qofkasta uu kamid yahay & qof walba gaarkiisa & karaamada uu ku dhex leeyahay waa la ilaaliyaa. Waxay u arkaan kala duwanaansha inay tahay awood waxayna kobciyaan qadarin qoto dheer midba midka kale. Waxaa ka go’an inay mustaqbalka soo saaraan madax maskax caalami ah leh kuwaas oo dareemaya in ay awood u leeyihiin in ay u doodaan oo ay raadiyaan caddaaladda bulshada & bulsho lid ku ah cunsuriyadda. Yinghua Academy waxa uu bixiyaa ilaha lagama maarmaanka ah si uu u dhiso kartida lagu gaarayo ujeeddooyinka waxbarashada gaarka ah ee arday kasta. Shaqadooda sinnaanta waa dadaal socda: waxayna ka tarjumaan tallaabooyinkooda waxaana ka go’an awoodsiinta ardayda, shaqaalaha, iyo la hawlgalayaasha bulshada iyo inay ka taageeraan gaaritaanka kartidooda buuxda.