Metro College Prep
Qiimaynta dadaalka dugsiga
Ku saabsan
Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha
English, French, Spanish
Barnaamijyo dheeri ah
Socdaal & tacabur.
Extracurriculars Offered:
AV/Tech Clubs, Cultural Extracurriculars, Debate/Speech Clubs, Environmental/Outdoors Clubs, Visual Arts Clubs
Uniforms
Students who attend Metro College Prep are not required to wear uniforms.
Sida la isku diiwaangeliyo
To enroll, contact Admissions at (612) 722-2555 or info@metroschoolsmn.org.
Ardayda joogta dugsigan
Macalimiinta joogta dugsigan
Celceliska ardayga marka loo barbardhigo saamiga macalinka
Tacliin
74%
Barnaamijyada aqoonta
Metro Schools waxay bixiyaan manhajka udiyaargarowga kulleejka oo loogu talaglay ardaydooda dugsiyada dhexe iyo sare kaasoo la jaanqaadaya heerarka tacliimeed ee Minnesota. Dugsigu wuxuu joogteeyaa fasalo tiro yar oo ka kooban 15 ilaa 20 arday, taasoo u sahasha macalimiinta inay siiyaan fiiro gaar ah iyo in ay wax ka qabtaan arday kasta baahidiisa gaarka ah. Waxay adeegsadaan xogta qiimeynta si ay u dejiyaan yoolalka tacliimeed diiradana u saaraan dhisidda xirfadaha ardayda u diyaarin doona kulleejka. Si ardayda looga caawiyo inay sharaan nusqaanta waxbarasho korna loogu qaado fursadahooda dhigashada kulleejka, Metro Schools waxay isticmaalaan jadwal maalinle ah oo la dheereeyey sanadka intiisa badan, iyadoo goor hore la fasaxo maalmaha Jimcaha. Habkani wuxuu ku guuleystay xoojinta waxqabadka tacliimeed ee ardaydooda iyo siinta ardayda fursado badan oo ay wax ku bartaan kuna kobcaan.
Academic Programs Offered:
Advanced Instruction, Advanced Placement (AP), Arts Focused Programming, College Prep, Credit Recovery, Online Learning, PSEO, STEM/STEAM
Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah
Wax jawaab ah kama soo bixin dugsiga.
Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska
Wax jawaab ah kama soo bixin dugsiga.
Sii wadida kuliliyadda
Qalinjabin
Cimilo
Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay
Habka waxbarashada iyo manhajka Metro Schools waxaa dhaqaajiya bayaanka hadafkooda. Dugsiga waxaa ka go’an tacliin heersare ah wuxuuna ku dadaalaa inuu sharo duleelka nusqaanta guulgaarista isagoo yoolal adag u dejinaya ardayda, waalidiinta, macalimiinta, iyo dugsiga. Bulshada dugsiga waxay u qadarisaa kala duwanaanshaha sooyaallada dhaqan, diimeed, qowmiyad, iyo dhaqan-dhaqaale inay qeybo muhiim ah ka yihiin waxbarashada u diyaargarowga kulleejka.
Metro College Prep wuxuu bixiyaa deegaan waxbarasho oo kobcin iyo taageero leh kaasoo u diyaariya ardayda iyo shaqaalaha inay noqdaan muwaadiniin masuul ah oo caalami ah iyo wakiilo xil iska saara deegaanka. Ka go’naantooda kala duwanaanshaha dhaqanka waxaa ka tarjuma manhajkooda & barnaamijyadooda, kuwaas oo ka caawiya ardaydooda inay horumariyaan aragti ballaaran & qaddarinta dhaqamada kala duwan.
Discipline Policy
Wax jawaab ah kama soo bixin dugsiga.
Haynta macalinka
Imaanshaha
Adaabta
Sinnaan
Aragtida sinnaanta
Metro Schools College Prep, oo ah dugsi dawli ah oo gaar loo maamulo degmada Lr. 4131, waxa uu si guul ah u dhameeyay 18 sano oo shaqo ah. Bulshada dugsiga waxaa ka go’an abuurista deegaan waxbarasho oo daryeel iyo taageero leh oo loogu talagalay ardayda kasoo kala jeeda dhammaan dunida dacaladeeda. Barnaamijkooda tacliinta waxaa loogu talagalay inuu ardayda u diyaariyo kulleejka, waxayna bixiyaan khibrad waxbarasho oo dhammeystiran iyadoo dugsiga hoose, dugsiga dhexe, & dugsiga sare, dhammaantood ay ku wada yaalaan hal xarin.
Metro Schools waxaa la aasaasay 2005. Sanadihii la soo dhaafay, waa ay ballaariyeen si ay ugu daraan dugsi dhexe (2012-13) iyo dugsi hoose (2016-2017). Barnaamijyada dugsiga dhexe iyo sare waxay wadaagaan hal falsafad iyo maamul.
Sanadki 2017, dugsiga waxa uu u guuray xarun cusub oo weyn oo ku taasha Olson Memorial Highway ee magaalada hoose ee Minneapolis. Guuritaanku wuxuu dugsiga u oggolaaday inuu ka faa’iidaysto fursado cusub, oo ay ku jirto goob jimicsi, taasoo kor u qaaday waayo-aragnimada waxbarasho ee ardaydooda.
Metro College Prep waxa uu leeyahay bulsho arday ah oo kala duwan, oo ay ku jiraan arday kasoo kala jeeda jinsiyado kala duwan, sida Madow ama Afrikaanka Mareykanka, Isbaanish ama Laatiin, & Dhaladka Hawai ama Dhaladka Jasiirada Baasifiga. Halkan Metro Schools, waxaa ka go’an inay bixiyaan deegaan waxbarasho oo loo dhan yahay kaasoo maamuusa kala duwanaanta horumariyana sinnaanta.