KIPP North Star
Qiimaynta dadaalka dugsiga
Ku saabsan
Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha
English, Spanish
Barnaamijyo dheeri ah
KIPP Minnesota waxa uu bixiyaa barnaamijka manhajka kabaxsan ee YMCA-Beacons oo iskuulka kadib ah. Intaa waxaa dheer, KIPP waxa uu leeyahay kooxo isboorti oo kala duwan iyo barnaamijyo kale, oo ay kamid yihiin kubadda koleyga & naadiyo.
Extracurriculars Offered:
Cultural Extracurriculars, Music, Sports
Uniforms
Students who attend KIPP North Star are required to wear uniforms.
Sida la isku diiwaangeliyo
To enroll, contact the KIPP Minnesota Front Office Team at (612) 287-9700 or enroll@kippminnesota.org.
Ardayda joogta dugsigan
Macalimiinta joogta dugsigan
Celceliska ardayga marka loo barbardhigo saamiga macalinka
Tacliin
0%
Barnaamijyada aqoonta
Barnaamijka tacliimeed ee KIPP waxa uu diiradda saaraa u diyaarinta ardayda ee kulleejka iyo nolosha kadambaysa. Ardayda waxay maalin kasta haystaan fursado ay ku kobciyaan kuna horumariyaan madax bannaanida. Laga soo bilaabo wada-hadallada uu ardaygu hogaaminayo, falanqeynta qoraallada, cilmi baarista iyo booqashada kuleejyada maxalliga ah, ardayda KIPP waxa ay ku koraan iyaga oo kasoo baxaya godka ay kujiraan guulana kagaaraya xaaladaha cusub. Barnaamijka tacliinta ee dugsiga ayaa sidoo kale ku qotoma isagoo xaqiijinaya in baahiyaha tacliimeed ee arday kasta oo gaar ah la fahmo lana daboolo. Waxay fahamsan yihiin in ardayda ay yihiin kuwo gaar ah–qaar waxay ubaahan karaan taageero dheeraad ah ama xujo dheeraad ah, waxayna ku dadaalaan in ay ogaadaan oo ay bixiyaan middaas. KIPP waxa uu ku beeraa farxad iyo jacayl waxbarasho xagga tacliinta. Waxa ay macalimiintu ilgaar ah u yeeshaan xitaa tafaasiisha ugu yar, laga bilaabo jawiga fasalka ilaa nakhshadeynta qorshaha casharka, si ay u xaqiijiyaan inay ardaydu madadaalo helaan oo ayna u hawlgalaan. KIPP waxa uu bixiyaa barnaamij diirada saaraya farshaxanka & STEAM iyadoo diirada hore la saarayo akhriska iyo qoraalka.
Academic Programs Offered:
Arts Focused Programming, College Prep, Personalized Learning, STEM/STEAM
Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah
KIPP Minnesota waxa uu si buuxda ugu adeegaa ardayda qaadata Waxbarashada Gaarka ah. Habkoodu wuxuu u adeegaa baahiyaha gaarka ah ee dhammaan ardayda naafada ah ayagoo kaashanaya macalimiinta, qoysaska, iyo bixiyeyaasha si loo xaqiijiyo in dhammaan baahiyaha la daboolo & oo ardaydu ay horumari karaan. Hadafka KIPP waxa uu yahay inuu ardayda gaar uga dhigo casharka isagoo isla markaana u oggolaanaya inay ku helaan jawiga ugu xaddidaada yar.
Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska
KIPP Minnesota waxa uu bixiyaa barnaamijka loogu talagalay ardayda Af-Ingiriisiga uu ku cusub yahay. Ujeedada koowaad ee barnaamijka ELL waa inuu ardayda siiyaa jawi waxbarasho oo siinaya fursadda ugu wanaagsan ee guusha. Barnaamijka ELL ee KIPP waa mid si heer sare ah loo shakhsiyeeyey oo diiradda saaraya horumarinta xirfadaha hadalka, iyada oo la isku dhafayo akhriska iyo qoraalka inta ardaygu sii horumarayo.
Aqoon
0 oo arday 10 ah ayaa ku dadaala heerka xisaabta fasalka
1 oo arday 10 ah ayaa heerka fasalka wax aqriya
Horumar
This school does not have data for the 2024 year
This school does not have data for the 2024 year
Cimilo
8%
Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay
Dhaqanka & qiyamyada KIPP waxa ay ku qotomaan jaceyl & ixtiraam. Dugsiga waxaa udub dhexaad u ah bulshada, farxadda, & wada-xariirka. Waxa ay aaminsan yihiin in ardaydu aanay dan ka lahayn inta aad taqaan ilaa ay garan waayaan inta aad danaynayso. Cilaaqaadka wanaagsan ee u dhexeeya qoysaska, ardayda & macalimiinta ayaa qeyb ka ah DNA-da KIPP. Ardayda, shaqaalaha, & qoysaska ayaa si joogta ah isugu yimaada si ay ugu dabaaldagaan guulaha ardayga ugana wada-hadlaan waxa dugsiga ka dhacaya si ay u dhistaan xaafadooda & bulshadooda. Si wada jir ah qoysaska & bulshada, KIPP waxa uu abuuraa dugsiyo farxad leh, tacliin ahaan heer sare ah kuwaasoo ardayda ku diyaariya xirfadaha iyo kalsoonida si ay ugu sii amba qaadaan dariiqyada ay doortaan–kulleejka, xirfada shaqada, & wixi ka dambeeyoe–si ay u horseedaan nolol buuxda una dhistaan duni caddaalad ah.
Discipline Policy
KIPP Minnesota waxa uu bixiyaa jawi nabdoon, qaabaysan, oo kobcin leh si markaa ardayda u kobcaan oo ay sare ugu qaadaan waxbarashadooda. Dugsiga waxa uu mudnaanta siiyaa badbaadada ardayda wuxuuna xaqiijiyaa in dhaqamada edebtooda ay ka tarjumaan middaas, iyo inay yihiin kuwo loo siman yahay oo cadaalad ah. Dugsiga waxa uu ardayda ka caawiyaa in ay kobciyaan xirfadaha bulsho iyo shucuureed ee lagama maarmaanka u ah guushooda iyo badqabkooda.
Haynta macalinka
Imaanshaha
Adaabta
Sinnaan
58%
Aragtida sinnaanta
KIPP waxa uu dhisayaa dugsiyo ardayda u diyaariya guusha kulleejka & nolosha. Waxaa ka go’an in ay duni wanaagsan u dhisaan lana dhisaan ardayda & qoysaska KIPP. Awoodooda & go’aankooda, caafimaadkooda koox ahaan & qoys ahaan, wax soo saarkooda & waxtarkooda, & tayada go’aamada ay gaaraan waxa ay dhammaan ku qotomaan kala duwanaanshaha dugsiga. KIPP waxa uu ku dadaalaa inuu abuuro deegaan uu qofkasta oo katirsan bulshada uu aqoonsigiisa iyo waayo-aragnimadiisa buuxda keeni karo shaqada. Waxay aqbalaan, sharfaan oo ay maamuusaan kala duwanaanshaha ee guud ahaan isirka, jinsiga, da’da, qowmiyadda, diinta, dhalashada, rabitaanka galmada, rabitaanka jinsiga, kartida jireed, dabaqadda dhaqan-dhaqaale, iyo sifooyinka kale ee uu ka kooban yahay aqoonsiga gaarka ah ee shaqsi kasta.