Hiawatha Collegiate High School

Saacadaha dugsiga:
Mon-Thu 8:45AM-3:45PM Fri 8:45AM-2:00PM
Daryeelka dugsiga kahor:
Maya
Daryeelka dugsiga kadib:
Maya
Degmo:
Charter

Qiimaynta dadaalka dugsiga

55%

Ku saabsan

Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha

English, Spanish, Somali

Barnaamijyo dheeri ah

Hiawatha Academies waxa uu bixiyaa deeqo ciyaaro fudud oo kala duwan, barnaamijyo hoggaamineed iyo naadiyo. Dhanka ciyaaraha fudud, Hiawatha wuxuu katirsan yahay Eastern Minnesota Athletic Conference (Shirka Ciyaaraha Fudud ee Bariga Minnesota, EMAC) iyo sidoo kale Minnesota State High School League (Horyaalka Dugsiga Sare ee Gobolka Minnesota, MSHSL). Barnaamijyada ay taabagaliyaan MSHSL waxaa loogu deeqaa ardayda Hiawatha Academies ee dhigata fasalada 7-12. Ciyaaraha fudud ee la bixiyo waxaa kamid ah: kubadda cagta, kubadda kolleyga, kubbadda laliska ee gabdhaha, ciyaaraha, baratanada fagaaraha, kubadda usha ee wiilasha, kubadda jilicsan ee gabdhaha & orodka baadiyaha. 
Dugsigu wuxuu sidoo kale bixiyaa naadiyada iyo kooxaha manhajka kabaxsan, wuxuuna si joogta ah u meelmariyaa danaha ardaydooda. Waxa ay aaminsanyihiin fursado u abuurista ardayda da’ kasta si ay uga qeybgalaan danahooda kabaxsan fasalka si loo dhiso dhaqan dugsi oo wanaagsan. Qaar ka mid ah naadiyada la bixiyo waxaa ka mid ah: Black Student Union (Ururka Ardayda Madow, BSU), Naadiga Shaxda, Danza Azteca, Gabdhaha Koodhgareeya Kumbiyuutarka, Naadiga LatinX, Gender & Sexuality Alliance (Dallada Jinsiga & Galmada, GSA), Bulshada Maamuuska Qaranka, Golaha Ardayda, Roboodyada & kuwa kale oo badan. 

Extracurriculars Offered:

Black Student Union (BSU), Chess Club, Cultural Extracurriculars, Danza Azteca, Debate/Speech Clubs, Gender & Sexuality Alliance (GSA), Girls Who Code, Journalism/Newspaper Clubs, LatinX Club, National Honor Society, Robotics, Sports, Student Council, Visual Arts Clubs

Uniforms

Students who attend Hiawatha Collegiate High School are required to wear uniforms.

Sida la isku diiwaangeliyo

To enroll, contact the Recruitment & Admissions Team at (612) 455-4044 or enrollment@hiawathaacademies.org.

Ardayda joogta dugsigan

Ardayda, Isir ahaan (710 dhamaan)
  • American Indian or Alaskan Native
    2%
  • Asian
    0%
  • Black or African American
    10%
  • Hawaiian/Pacific Islander
    0%
  • Hispanic
    86%
  • Two or more races
    1%
  • White
    1%
  • English Language Learner
    53%
  • From a Low Income Background
    88%
  • Special Education
    12%

Macalimiinta joogta dugsigan

Macalimiinta, Isir ahaan (58 dhamaan)
  • American Indian or Alaskan Native
    0%
  • Asian
    0%
  • Black or African American
    9%
  • Hawaiian/Pacific Islander
    0%
  • Hispanic
    9%
  • Two or more races
    2%
  • White
    80%

Celceliska ardayga marka loo barbardhigo saamiga macalinka

12:1

Tacliin

46%

Qiimeynta dadaalka waxbarashada

46%

Barnaamijyada aqoonta

Hiawatha Academies waxay aaminsan yihiin kartida aan xadidnayn ee ardayda oo dhan. Waxay iskudayaan inay waayo-aragnimada dugsiga K-12 u abuuraan ardayda taasoo awood u siinaysa aqoonta, dabeecadda, iyo xirfadaha hogaaminta. Ardaydooduna waxay ka faa’iidaysan doonaan xirfadahaan si ay u sahmiyaan, u waraystaan, waxna uga beddelaan bulshadooda. Hiawatha Academies waxaa ka go’an inay ka dhigaan magaalada iyo adduunka meel aad loogu dhan yahay, loo siman yahay, & oo cadaalad ah.
Hiawatha Academies waxay sidoo kale ku dadaalaan inay abuuraan bulsho waxbarasho loo dhan yahay oo adag, farxad leh, taasoo dhista hay’ad arday. Waxay rumeysan yihiin in dugsiga wanaagsani yahay kan: 
(1) Ardaydu si joogto ah u heli karaan manhaj xooggan, oo tayo sare leh; 
(2) Macalimiintu adeegsadaan ​​dhaqanno waxbarasho oo hawlgelin iyo dalbasho leh;
(3) Dhaqamada akhris-qorista ee saxda ah ku jiraan dhammaan maadooyinka;
(4) Ardayda lagu dhiirigeliyo habab dhaqan dugsi oo wax ku ool ah; &
(5) Nidaamyo taageero oo heerar badan ah ay gaaraan ardayda oo dhan.

Academic Programs Offered:

Advanced Instruction, Arts Focused Programming, College Prep, Credit Recovery, Language Immersion, Newcomer Programming, Online Learning, PSEO

Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah

“Dhammaan ardayda Hiawatha Academies waxaa lagu awoodsiin doonaa xirfadaha aqoonta, dabeecada, & hoggaaminta si ay uga qallinjebiyaan kulleejka oo danta guudna uga shaqeeyaan.”
Bayaanka himilada ee Hiawatha Academies wuxuu ka fogaadaa digniinaha ku saabsan waxa ardaydu gaari karaan. Waxay aaminsan yihiin suurtagalnimada aan xadidnayn ee isbeddel kasta waxayna suurtagalnimadan ku taageeraan siyaabo badan. Iyadoo ay hagto himiladadooda, fasaladoodu waxa ay taageeraan arday kala duwan, oo ay ku jiraan ardayda baahiyaha waxbarasho ee gaarka ah qaba. 
Dugsigu waxa uu aaminsan yahay: 
(1) Canug kastaa waa in la qiimeeyaa, raja wanaagsan laga qabaa, loona arkaa qof gaar ah oo dhammeystiran; 
(2) Ardayda badankooda ee naafada ah waxa ay guul waxbarasho oo adag, oo heer fasal ah gaari karaan marki la siiyo taageerada saxda ah. Marka arday uusan guuleysan, malaha dugsiga ee caadiga ah waa in ay dib uga fakaraan sida ay u taageeri karaan ardayga; 
Caqligu waa mid dhinacyo badan leh waana in sidaa loo aqoonsadaa; &  
(4) Ardayda naafada ah waa in lagu daraa facooda aanan naafada ahayn ilaa heerka ugu sareeya ee suuragalka ah. 

Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska

Laga bilaabo Deyrta 2023, kudhawaad 89% ee ardayda dhigata Hiawatha Academies waxa ay isu aqoonsanayaan inay yihiin kuwa kuhadla luuqado badan, iyadoo 63% ardayda Hiawatha ay uqalmayaan adeegyada Horumarinta Luuqada Ingiriisiga (ELD). Xogaha ardayda Hiawatha ayaa hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo adeegyada ELD ee adag oo dhamaystiran, kuwaas oo wax ka qabta baahiyaha luuqad ee ardayda guud ahaan heerarka fasalka oo dhan & marxaladaha hanashada luqadda Ingiriisiga. 
Si wax looga qabto baahiyahan, Hiawatha waxa uu diirada saarayaa bixinta adeegyo luuqada Ingiriisiga oo wacan isagoo u maraya wada-shaqeynta nidaamka wax wada-barista. Intaa waxaa dheer, bartayaasha dalka ku cusub waxa ay qaataan fasalka dadka cusub oo loogu talagalay inuu daboolo baahiyahooda gaarka ah. Dugsigu wuxuu aaminsan yahay in dhammaan ardaydu ay qaataan casharada heerka fasalka ah si ay u horumariyaan luuqada muhiimka ah ee looga baahan yahay inay guulo ooga gaaraan dhammaan dhinacyada casharka & dhexgalka bulshada. Si tani loo sameeyo, dugsigu wuxuu sidoo kale u diyaariyaa in dhammaan macalimiintu ay daboolaan baahiyaha ardayda luuqadaha badan ku hadla ee dhigta fasalladooda iyagoo u maraya horumarin xirfadeed & tababar.

Sii wadida kuliliyadda

Ardayda aada oo dhamaysata 2 sano ee kulliyadda
66% 60% 62% 2018 2019 2020 2021 2022 100% 0%

Qalinjabin

% ardayda ka qalin jebisay dugsiga sare 4 sano gudahood
72% 85% 78% 80% 84% 2018 2019 2020 2021 2022 100% 0%

Isku celceliska imtixaanka ACT najiidadisa

19 18 15 2018 2019 2020 2021 2022 36 0

Cimilo

72%

Qiimeynta waxqabadka cimilada

72%

Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay

Hiawatha Academy waxa uu dhiirigeliyaa dhaqan ula dhaqma qoysaska sidi iskaashato. Ballanqaadkoodu waa inay xaqiijiyaan in qoysaska iyo waalidiinta ay la hawlgalaan macalimiintooda, maamulayaasha iskuulka, & shaqaalaha iskuulka si ay u taageeraan waxbarashada ubadkooda. Waxaa ka go’ansadeen: ka caawinta qoysaska Hiawatha indho-indhaynta nidaamka dugsiga & degmada dugsiga si ay ugu doodaan baahiyaha waxbarasho ee ubadkooda; bixinta barnaamij Akadeemiyada Waalidka ah oo bilaash ah oo loogu talagalay waalidiinta kaasoo si wadajir ah isugu keena dugsiyada, waalidiinta, & bulshada sidi la-hawlgalayaal siman si markaa dhammaan ardayda ay u gaaraan awooddooda waxbarasho ee ugu weyn; & la shaqeynta ururada kala duwan ee waalidiinta, & kooxaha u dooda waalidka si loo xoojiyo kaqeybgalka qoyska, iyadoo loo maraayo Ururadooda Qoyska, Guddiga Latalinta Waalidiinta Hindida Mareykanka, & Guddiga Waalidiinta Bariga Afrika.

Discipline Policy

Anshaxa ayaa si dhow ula jaanqaada dallacsiinta, kahortagga, iyo dadaallada wax ka qabashada ee iskuulka. Hiawatha Academies waxa ay xog badan ka og yihiin in ardaydu aanay si aad ah u raacin xeerarka sida ay u raacaan xiriirada. Habdhaqanada yaryar waa carqaladeyn heer-hoose ah oo laga yaabo in aanay saameyn weyn ku yeelan deegaanka waxbarashada balse weli u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Dugsigu waxa uu si firfircoon wax uga qabtay dhaqamadan oo kale isaga oo u maraya xeelado, wax ka qabashooyinka Barashada Dareenka Bulshonimo (SEL), iyo dhaqamada xal u helida. Habdhaqanada waaweyn waa carqaladeyn aad u weyn taasoo leh saameyn muuqata waxayna ubaahan kartaa wax ka qabasho aad u xoogan. Iyadoo lagu fiirinayo doorbinka sinnaanta, dugsigu waxa uu indho gaar ah ku fiiriyaa arrimaha hoose sida baahiyaha shucuurta bulshada.
Ceyrinta waa ikhtiyaarka kaliya kadib marka dhammaan wax ka qabashooyinka kale laga quusto. Hiawatha wuxuu mudnaanta siiyaa xalalka kale si uu u ilaaliyo kaqeybgalka iyo isku xirnaanta ardayda. Iyagoo adeegsanaya dhaqamada xal u helida, Wax Ka Qabashooyinka Barashada Dareenka Bulshonimo, iyo wax ka qabashooyinka taageerada ah, hadafkoodu waa inay wax ka qabtaan arrimaha habdhaqanka kana hortagaan baahida loo qabo ceyrinta.

Bullying Prevention Policy

Habka edbinta ee Hiawatha Academies waxa uu diirada saaraa isla xisaabtanka, koritaanka, u danqashada, iyo fahmidda. Marki ay caqabado soo kordhaan, dhaqamadooda xal kusoo dabaalida waxa ay mudnaanta siiyaan wadahadal furan & fadhiyo lagu xallinayo dhibaatada, kobcinta mas’uuliyadda. Tani waxa ay gacan ka geysataa in carruurtu ay yeeshaan cilaaqaad oo ay fahmaan ficiladooda. Manhajka dugsiga waxa uu kobciyaa garaadka shucuureed, iska-warqabidda, iyo xirfadaha xiriirka, kor u qaadida dareenka u danqashada leh iyo go’aan qaadashada xilkasnimada leh. 
Halkan Hiawatha Academies, xeerka Anshaxa Ardaygu waxa uu ka tarjumaa sida ay dugsiga uga go’an tahay badqabka guud ee ubadka. Iyada oo loo marayo wax ka qabashooyinka sida dhaqamada xal kusoo dabaalida, SEL, & adeegyada caafimaadka dhimirka, dugsiga waxa uu xaqiijiyaa guusha tacliinta, shucuurta, iyo bulshada. Hadafkoodu waxa uu yahay deegaan waxbarasho oo loo dhan yahay, dhaqan ahaana ka jawaabaya oo maamuusaya kala duwanaanshiyaha, kaasoo garwaaqsan arday kasta meelaha uu ku wanaagsan yahay iyo asalka, abuurista katirsanaanta iyo xoojinta bulshadooda.

Haynta macalinka

% inta macalimiin ee iskuuulka joogtay
84% 74% 71% 87% 2021 2022 2023 2024 100% 0%

Imaanshaha

% inta arday ee si joogta ah u imaata iskuulka (ugu yaraan 90% waqtiga)
87% 61% 53% 2021 2022 2023 100% 0%

Adaabta

Tirada boqolkiiba inta la ceyriyo ama la ganaaxo
Ardayda Boqolkiiba 0 2020 2021 2022 2023 23 15 9

Sinnaan

67%

Sinnaanta qiimeynta dadaalka

67%

Aragtida sinnaanta

Si aan banii’aadanimada dadka oo dhan u sharafno, waxay si firfircoon hor-istaag ugu sameyaan sinnaan la’aanta nidaamka si ay u raadiyaan adduun loo siman yahay. Hiawatha Academies waxa uu si joogta ah u hor-istaagaa sinnaan la’aanta waxbarashada iyada oo la xaqiijinayo dugsi wanaagsan oo uu leeyahay canug kasta.

Sii wadida kuliliyadda

Ardayda aada oo dhamaysata 2 sano ee kulliyadda
0% 100% Celceliska magaalada 62% All students
0% 100% Celceliska magaalada 62% All students

Qalinjabin

% ardayda ka qalin jebisay dugsiga sare 4 sano gudahood
0% 100% Celceliska magaalada 82% Black or African American Celceliska magaalada 81% English Language Learner Celceliska magaalada 85% From a Low Income Background Celceliska magaalada 85% Hispanic Celceliska magaalada 88% Special Education Celceliska magaalada 84% All students
0% 100% Celceliska magaalada 82% Black or African American Celceliska magaalada 81% English Language Learner Celceliska magaalada 85% From a Low Income Background Celceliska magaalada 85% Hispanic Celceliska magaalada 88% Special Education Celceliska magaalada 84% All students

Haynta macalinka

% inta macalimiin ee iskuuulka joogtay
0% 100% Celceliska magaalada 50% Black or African American Celceliska magaalada 100% Hispanic Celceliska magaalada 76% White
0% 100% Celceliska magaalada 50% Black or African American Celceliska magaalada 100% Hispanic Celceliska magaalada 76% White

Macallimiin midab leh

20%

Arday kala midab ah

99%

Imaanshaha

% inta arday ee si joogta ah u imaata iskuulka (ugu yaraan 90% waqtiga)
0% 100% Celceliska magaalada 48% Black or African American Celceliska magaalada 50% English Language Learner Celceliska magaalada 53% From a Low Income Background Celceliska magaalada 55% Hispanic Celceliska magaalada 51% Special Education Celceliska magaalada 53% All students
0% 100% Celceliska magaalada 48% Black or African American Celceliska magaalada 50% English Language Learner Celceliska magaalada 53% From a Low Income Background Celceliska magaalada 55% Hispanic Celceliska magaalada 51% Special Education Celceliska magaalada 53% All students

Adaabta

Tirada boqolkiiba inta la ceyriyo ama la ganaaxo
0% 100% Celceliska magaalada 33 American Indian or Alaskan Native Celceliska magaalada 17 Black or African American Celceliska magaalada 7 Hispanic Celceliska magaalada 9 All students
0% 100% Celceliska magaalada 33 American Indian or Alaskan Native Celceliska magaalada 17 Black or African American Celceliska magaalada 7 Hispanic Celceliska magaalada 9 All students