New City School
Qiimaynta dadaalka dugsiga
Ku saabsan
Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha
English, Spanish, Somali
Barnaamijyo dheeri ah
Maalinta dugsiga ardayga waxa ay ku egtahay 3:45PM waxaana ku xiga waxqabadyo kala duwan oo manhajka kabaxsan. Waxaa kuwaan kamid ah: wax kaqabashada xisaabta, soo saarista masraxa muusiga, naadi muusig, barashada kubbadda koleyga iyo tartanka oo loogu talagalay 3-8, shaxda, & naadiga buugaagta. New City waxa uu bixiyaa daryeel iskuulka kahor iyo kadib ah oo hab dabacsan lagu bixiyo oo kharash yar.
Extracurriculars Offered:
Music, Sports, Theater
Uniforms
Students who attend New City School are not required to wear uniforms.
Sida la isku diiwaangeliyo
To enroll, contact Juana Mandujano at (612) 623-3309.
Ardayda joogta dugsigan
Macalimiinta joogta dugsigan
Celceliska ardayga marka loo barbardhigo saamiga macalinka
Tacliin
71%
Barnaamijyada aqoonta
New City waxa uu ku hamminayaa inuu kobciyo ardayda: leh dareenka adag ee wakaaladnimo ee gelaya dugsiga sare kadib fasalka 8aad; kasbaday dareen naftooda ah; awood u leh in ay si qoto dheer u fikiraan, wax ula xiriiraan iskaashina u sameeyaan si wax ku ool ah, wax qiyaasaya waxna abuuraya, & danaynayana dadka kale. Jaatarkooda waxa uu ku qotomay fahamka ah in barashada bulshada ay muhiim u tahay sida waxbarashada tacliinta. Barnaamijka New City waxa uu qiimeeyaa waxbarashada adag & waxa uuna adeegsadaa Waxbarashada EL ELA & Xisaabta Eureka xagga manhajka aasaasiga ah. Waxa ay ku guda jiraan inay horumariyaan “socdaalada” waxbarashada ee diirada saaraya cilmiga bulshada & heerarka sayniska iyada oo loo marayo tacaburrada khibrado baraatik ah, oo waxbarasho. Ka shaqaale ahaan, waxa ay qiimeeyaan cilaaqaadka waxbarashada waxa ayna dhiseen bulsho xirfad leh oo tusaale u noqon karta daryeelka iyo iskaashiga ardayda. “Shaqaale gaadiid” (oo qofna uusan rakaab ahayn) ayuu maalinta ku bilaabaa koox-dhiska & horumarinta xirfadaha bulshada.
Academic Programs Offered:
Arts Focused Programming
Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah
New City waxa uu bixiyaa adeeg barnaamij waxbarasho gaar ah oo dhammeystiran, oo ay ku jiraan 3 macalin, xirfad-yaqaanayaal badan, iyo bixiyeyaasha adeegga gaarka ah ee hadalka, shaqada bulshada, cilmi nafsiga dugsiga, iyo baxnaaninta shaqada.
Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska
New City waxa uu leeyahay macalinka ELL oo wakhti buuxa kaas oo qiimeeya bartayaasha Af-Ingiriisiga, kaas oo aqoonsada baahiyaha, iskula dubarida macalimiinta fasalka, oo qorsheeyana jadwalka taageerada waxbarida ku saleysan baahida ardayda.
Aqoon
3 oo arday 10 ah ayaa ku dadaala heerka xisaabta fasalka
5 oo arday 10 ah ayaa heerka fasalka wax aqriya
Horumar
This school does not have data for the 2024 year
This school does not have data for the 2024 year
Cimilo
62%
Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay
New City School waxa uu ku dadaalayaa inuu abuuro bulsho ay ka muuqdaan dhammaan dhinacyada kala duwan ee magaalada iyo meel arday kasta & xubin kasta oo shaqaalaha katirsan uu ku dareemo in si buuxda loo soo dhaweynayo & uuna muhiim yahay. Waxa haga qiyamkooda ku xeeran kala duwanaanshaha, bulshada, muwaadinimada, shaqo tayeysan, & hal-abuurnimo & himiladoodnuna waxa ay yihiin in la mideeyo waxbarashada bulshada, dareenka, & tacliinta.
Discipline Policy
Habka New City School ee anshaxa waxaa loogu talagalay in uu ardayda baro xirfadaha bulsho, shucuureed, iyo tacliimeed si ay si guul ah ula shaqeeyaan waxna ula bartaan dhammaan dadka waaweyn iyo ardayda oo aan kaliya ahayn marka iskuulka la joogo, balse wixi ka baxsan iyo kadib goobaha dugsiga. Waxay hiigsadaan inay abuuraan damaca inay doortaan habdhaqanka, sababtoo ah ardayda waxay arkaan qiimaha ay leedahay in sidaas la sameeyo, beddelki ay dhiirigelin lahaayeen arrimo dibedda ah sida ballanqaadka abaalmarin ama ka cabsashada ciqaab. Sida ereyga “discipline (anshaxa)” uu uga yimid ereyga Laatiinka ee barashada, habkani waxa uu ku qotomaa beliefs in: ardaydu ay baran karaan in ay noqdaan kuwa naftooda xakameeya, iskaashi leh, daryeel leh oo xilkas ah; anshaxa waxaa loo bari karaa si la mid ah siyaabaha kale ee wax loo baro; ardayduna waxay si fiican wax u bartaan marka ay si firfircoon ugu hawlan yihiin oo ay maalgashadaan dhisidda fahamkooda.
Haynta macalinka
Imaanshaha
Adaabta
Sinnaan
57%
Aragtida sinnaanta
New City School waxaa ka go’an inuu: arday kasta & qoyskasta ugu adeego si siman, inuu dhammaan ardayda u diyaariyo guusha dugsiga sare & wixi kadambeeya, & inuu siiyo deegaan waxbarasho oo soo dhawayn leh oo loo dhan yahay. Isagoo ku qotoma fahamka in cilaaqaadyadu ay aasaas u yihiin waxbarashada, New City waxa uu joogteeyaa fasallo tira yar ay dhigtaan oo u oggolaanaya xiriir adag oo qoto-dheer oo u dhexeeya ardayda, & macalimiinta iyo ardayda dhexdooda. Maalmuhu waxa ay ku bilowdaan kulamada Crew halkaas oo ardaydu kubartaan inay daryeelaan kuwa ay isku fasalka yihiin, inay yeeshaan xirfadaha bulshada, iyo inay kobciyaan bulsho waxbarasho oo ammaan ah oo soo dhaweyn leh. Codka ardayda waa la kobciyaa & taageeradana waxaa loo kala qeybiyaa shaqaalaha kala duwan ee sii kordhaya. Codka ardayda waxaa lagu kobciyaa farshaxanka. Shaqaalaha xiriirka bulshada waxa ay xaqiijiyaan in wada-xiriirka u dhexeeya qoysaska & dugsiga uu wax ku ool yahay, & kooxda taageerada ardaygana waxay si firfircoon u siiyaan taageerooyinka ardayda.