Hiawatha Collegiate High School
Qiimaynta dadaalka dugsiga
Ku saabsan
Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha
English, Spanish, Somali
Barnaamijyo dheeri ah
Hiawatha Academies waxa uu bixiyaa deeqo ciyaaro fudud oo kala duwan, barnaamijyo hoggaamineed iyo naadiyo. Dhanka ciyaaraha fudud, Hiawatha wuxuu katirsan yahay Eastern Minnesota Athletic Conference (Shirka Ciyaaraha Fudud ee Bariga Minnesota, EMAC) iyo sidoo kale Minnesota State High School League (Horyaalka Dugsiga Sare ee Gobolka Minnesota, MSHSL). Barnaamijyada ay taabagaliyaan MSHSL waxaa loogu deeqaa ardayda Hiawatha Academies ee dhigata fasalada 7-12. Ciyaaraha fudud ee la bixiyo waxaa kamid ah: kubadda cagta, kubadda kolleyga, kubbadda laliska ee gabdhaha, ciyaaraha, baratanada fagaaraha, kubadda usha ee wiilasha, kubadda jilicsan ee gabdhaha & orodka baadiyaha.
Dugsigu wuxuu sidoo kale bixiyaa naadiyada iyo kooxaha manhajka kabaxsan, wuxuuna si joogta ah u meelmariyaa danaha ardaydooda. Waxa ay aaminsanyihiin fursado u abuurista ardayda da’ kasta si ay uga qeybgalaan danahooda kabaxsan fasalka si loo dhiso dhaqan dugsi oo wanaagsan. Qaar ka mid ah naadiyada la bixiyo waxaa ka mid ah: Black Student Union (Ururka Ardayda Madow, BSU), Naadiga Shaxda, Danza Azteca, Gabdhaha Koodhgareeya Kumbiyuutarka, Naadiga LatinX, Gender & Sexuality Alliance (Dallada Jinsiga & Galmada, GSA), Bulshada Maamuuska Qaranka, Golaha Ardayda, Roboodyada & kuwa kale oo badan.
Extracurriculars Offered:
Black Student Union (BSU), Chess Club, Cultural Extracurriculars, Danza Azteca, Debate/Speech Clubs, Gender & Sexuality Alliance (GSA), Girls Who Code, Journalism/Newspaper Clubs, LatinX Club, National Honor Society, Robotics, Sports, Student Council, Visual Arts Clubs
Uniforms
Students who attend Hiawatha Collegiate High School are required to wear uniforms.
Sida la isku diiwaangeliyo
To enroll, contact the Recruitment & Admissions Team at (612) 455-4044 or enrollment@hiawathaacademies.org.
Ardayda joogta dugsigan
Macalimiinta joogta dugsigan
Celceliska ardayga marka loo barbardhigo saamiga macalinka
Tacliin
46%
Barnaamijyada aqoonta
Hiawatha Academies waxay aaminsan yihiin kartida aan xadidnayn ee ardayda oo dhan. Waxay iskudayaan inay waayo-aragnimada dugsiga K-12 u abuuraan ardayda taasoo awood u siinaysa aqoonta, dabeecadda, iyo xirfadaha hogaaminta. Ardaydooduna waxay ka faa’iidaysan doonaan xirfadahaan si ay u sahmiyaan, u waraystaan, waxna uga beddelaan bulshadooda. Hiawatha Academies waxaa ka go’an inay ka dhigaan magaalada iyo adduunka meel aad loogu dhan yahay, loo siman yahay, & oo cadaalad ah.
Hiawatha Academies waxay sidoo kale ku dadaalaan inay abuuraan bulsho waxbarasho loo dhan yahay oo adag, farxad leh, taasoo dhista hay’ad arday. Waxay rumeysan yihiin in dugsiga wanaagsani yahay kan:
(1) Ardaydu si joogto ah u heli karaan manhaj xooggan, oo tayo sare leh;
(2) Macalimiintu adeegsadaan dhaqanno waxbarasho oo hawlgelin iyo dalbasho leh;
(3) Dhaqamada akhris-qorista ee saxda ah ku jiraan dhammaan maadooyinka;
(4) Ardayda lagu dhiirigeliyo habab dhaqan dugsi oo wax ku ool ah; &
(5) Nidaamyo taageero oo heerar badan ah ay gaaraan ardayda oo dhan.
Academic Programs Offered:
Advanced Instruction, Arts Focused Programming, College Prep, Credit Recovery, Language Immersion, Newcomer Programming, Online Learning, PSEO
Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah
“Dhammaan ardayda Hiawatha Academies waxaa lagu awoodsiin doonaa xirfadaha aqoonta, dabeecada, & hoggaaminta si ay uga qallinjebiyaan kulleejka oo danta guudna uga shaqeeyaan.”
Bayaanka himilada ee Hiawatha Academies wuxuu ka fogaadaa digniinaha ku saabsan waxa ardaydu gaari karaan. Waxay aaminsan yihiin suurtagalnimada aan xadidnayn ee isbeddel kasta waxayna suurtagalnimadan ku taageeraan siyaabo badan. Iyadoo ay hagto himiladadooda, fasaladoodu waxa ay taageeraan arday kala duwan, oo ay ku jiraan ardayda baahiyaha waxbarasho ee gaarka ah qaba.
Dugsigu waxa uu aaminsan yahay:
(1) Canug kastaa waa in la qiimeeyaa, raja wanaagsan laga qabaa, loona arkaa qof gaar ah oo dhammeystiran;
(2) Ardayda badankooda ee naafada ah waxa ay guul waxbarasho oo adag, oo heer fasal ah gaari karaan marki la siiyo taageerada saxda ah. Marka arday uusan guuleysan, malaha dugsiga ee caadiga ah waa in ay dib uga fakaraan sida ay u taageeri karaan ardayga;
Caqligu waa mid dhinacyo badan leh waana in sidaa loo aqoonsadaa; &
(4) Ardayda naafada ah waa in lagu daraa facooda aanan naafada ahayn ilaa heerka ugu sareeya ee suuragalka ah.
Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska
Laga bilaabo Deyrta 2023, kudhawaad 89% ee ardayda dhigata Hiawatha Academies waxa ay isu aqoonsanayaan inay yihiin kuwa kuhadla luuqado badan, iyadoo 63% ardayda Hiawatha ay uqalmayaan adeegyada Horumarinta Luuqada Ingiriisiga (ELD). Xogaha ardayda Hiawatha ayaa hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo adeegyada ELD ee adag oo dhamaystiran, kuwaas oo wax ka qabta baahiyaha luuqad ee ardayda guud ahaan heerarka fasalka oo dhan & marxaladaha hanashada luqadda Ingiriisiga.
Si wax looga qabto baahiyahan, Hiawatha waxa uu diirada saarayaa bixinta adeegyo luuqada Ingiriisiga oo wacan isagoo u maraya wada-shaqeynta nidaamka wax wada-barista. Intaa waxaa dheer, bartayaasha dalka ku cusub waxa ay qaataan fasalka dadka cusub oo loogu talagalay inuu daboolo baahiyahooda gaarka ah. Dugsigu wuxuu aaminsan yahay in dhammaan ardaydu ay qaataan casharada heerka fasalka ah si ay u horumariyaan luuqada muhiimka ah ee looga baahan yahay inay guulo ooga gaaraan dhammaan dhinacyada casharka & dhexgalka bulshada. Si tani loo sameeyo, dugsigu wuxuu sidoo kale u diyaariyaa in dhammaan macalimiintu ay daboolaan baahiyaha ardayda luuqadaha badan ku hadla ee dhigta fasalladooda iyagoo u maraya horumarin xirfadeed & tababar.
Sii wadida kuliliyadda
Qalinjabin
Isku celceliska imtixaanka ACT najiidadisa
Cimilo
72%
Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay
Hiawatha Academy waxa uu dhiirigeliyaa dhaqan ula dhaqma qoysaska sidi iskaashato. Ballanqaadkoodu waa inay xaqiijiyaan in qoysaska iyo waalidiinta ay la hawlgalaan macalimiintooda, maamulayaasha iskuulka, & shaqaalaha iskuulka si ay u taageeraan waxbarashada ubadkooda. Waxaa ka go’ansadeen: ka caawinta qoysaska Hiawatha indho-indhaynta nidaamka dugsiga & degmada dugsiga si ay ugu doodaan baahiyaha waxbarasho ee ubadkooda; bixinta barnaamij Akadeemiyada Waalidka ah oo bilaash ah oo loogu talagalay waalidiinta kaasoo si wadajir ah isugu keena dugsiyada, waalidiinta, & bulshada sidi la-hawlgalayaal siman si markaa dhammaan ardayda ay u gaaraan awooddooda waxbarasho ee ugu weyn; & la shaqeynta ururada kala duwan ee waalidiinta, & kooxaha u dooda waalidka si loo xoojiyo kaqeybgalka qoyska, iyadoo loo maraayo Ururadooda Qoyska, Guddiga Latalinta Waalidiinta Hindida Mareykanka, & Guddiga Waalidiinta Bariga Afrika.
Discipline Policy
Anshaxa ayaa si dhow ula jaanqaada dallacsiinta, kahortagga, iyo dadaallada wax ka qabashada ee iskuulka. Hiawatha Academies waxa ay xog badan ka og yihiin in ardaydu aanay si aad ah u raacin xeerarka sida ay u raacaan xiriirada. Habdhaqanada yaryar waa carqaladeyn heer-hoose ah oo laga yaabo in aanay saameyn weyn ku yeelan deegaanka waxbarashada balse weli u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Dugsigu waxa uu si firfircoon wax uga qabtay dhaqamadan oo kale isaga oo u maraya xeelado, wax ka qabashooyinka Barashada Dareenka Bulshonimo (SEL), iyo dhaqamada xal u helida. Habdhaqanada waaweyn waa carqaladeyn aad u weyn taasoo leh saameyn muuqata waxayna ubaahan kartaa wax ka qabasho aad u xoogan. Iyadoo lagu fiirinayo doorbinka sinnaanta, dugsigu waxa uu indho gaar ah ku fiiriyaa arrimaha hoose sida baahiyaha shucuurta bulshada.
Ceyrinta waa ikhtiyaarka kaliya kadib marka dhammaan wax ka qabashooyinka kale laga quusto. Hiawatha wuxuu mudnaanta siiyaa xalalka kale si uu u ilaaliyo kaqeybgalka iyo isku xirnaanta ardayda. Iyagoo adeegsanaya dhaqamada xal u helida, Wax Ka Qabashooyinka Barashada Dareenka Bulshonimo, iyo wax ka qabashooyinka taageerada ah, hadafkoodu waa inay wax ka qabtaan arrimaha habdhaqanka kana hortagaan baahida loo qabo ceyrinta.
Haynta macalinka
Imaanshaha
Adaabta
Sinnaan
67%
Aragtida sinnaanta
Si aan banii’aadanimada dadka oo dhan u sharafno, waxay si firfircoon hor-istaag ugu sameyaan sinnaan la’aanta nidaamka si ay u raadiyaan adduun loo siman yahay. Hiawatha Academies waxa uu si joogta ah u hor-istaagaa sinnaan la’aanta waxbarashada iyada oo la xaqiijinayo dugsi wanaagsan oo uu leeyahay canug kasta.