Trinity First School

1115 E 19th St
Minneapolis, MN. 55404
(612) 871-2353 Websaaytka dugsiga
Darajooyin:
PreK-8
Qiimo:
Trinity First charges tuition per family. For the 2023-24 school year, the tuition was $2,000 per family.
Linkiga la iska diiwaangeliyo
Saacadaha dugsiga:
Mon-Fri 8:30 AM - 3:30 PM
Daryeelka dugsiga kahor:
Haa
Daryeelka dugsiga kadib:
Haa
Degmo:
Independent

Qiimaynta dadaalka dugsiga

Wax qiimayn ah ma lahan
Qiimayn lagama bixin. Maxa diiday?

Ku saabsan

Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha

English, Spanish

Uniforms

Students who attend Trinity First School are required to wear uniforms.

Sida la isku diiwaangeliyo

To enroll, contact Admissions at info@trinityfirst.org or (612) 871-2353.

Tacliin

No Rating

Qiimeynta dadaalka waxbarashada

Wax qiimayn ah ma lahan
Qiimayn lagama bixin. Maxa diiday?

Barnaamijyada aqoonta

Trinity First School waxa loo shaqeeyaa sidii dugsi hoose oo u adeega carruurta laga bilaabo bilowga gelitaanka dugsiga xanaanada ilaa fasalka sideedaad. Waxay doortaan inay u adeegaan fasaladaan sababtoo ah waxay rabaan macalimiinta, ardayda, & qoysaska inay u arkaan hal dugsi oo dhamaystiran. Waxay kaloo isu arkaan qoys ahaan; way wada bartaan, shaqeeyaan, wax cunaan, caabudaan, & wada ciyaaraan.
Manhajkooda & hababkooda waxbarasho, waxay u kala qaybiyeen fasallada heerarkan soo socda:
Aasaaska – carruurta gelaya heerka xanaanada ilaa fasalka koowaad
Dugsiga Hoose – carruurta gelaya fasalka labaad ilaa shanaad
Dugsiga Dhexe – carruurta gelaya fasalka lixaad ilaa siddeedaad
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashadooda waxaa laga helayaa webseedkooda.

Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah

Trinity First School wuxuu bixiyaa barnaamij waxbarasho gaar ah oo dhammaystiran kaas oo taageera waxbarashada loo wada dhan yahay ee goobta fasalka iyo sidoo kale bixinta koox yar oo awood badan iyo waxbaris shakhsi ahaaneed sida loo qoray.

Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska

Cimilo

No Rating

Qiimeynta waxqabadka cimilada

Wax qiimayn ah ma lahan
Qiimayn lagama bixin. Maxa diiday?

Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay

Trinity First School waxa haga qiyamka ducada, xidhiidhada, waxbarashada loo dhan yahay, kaqeybgalka qoyska, tawaaduc, sharafta, & tayada.
Ogolaanshaha iyo aqbalaada Eebe, waxa naga go’an inaan ku sheegno waxkasta oo aan qabano oo nidhaahno.
Ducada – Waxaanu aaminsanahahy sharafta diinta! Eebeheena wuxuu soo dhaweeyaa mahadnaqayaga wuxuuna noo saamaxaa inaan xoojino xidhiidhka aan la leenahay Isaga. Waxaanu sameynaa maalinkasta duco.
Xidhiidhada – Waxaanu aaminsanahay in qofkasta oo kusoo biira dugsigayaga isagaoo u maraya diwaangalin, qoys, shaqaaleysiin, ama adeeg uu ka qeyb yahay Qoyska Trinity First. Qoyskayagu wuxuu ka turjumaa oo uu la wadaagaa qoyska ballaadhan ee rumaysan oo dhan iyo Jidhka Masiixa. Midkasta waxa loo qadariyaa inuu yahay ilmaha dhabta ee Boqorka!
Waxbarasho Wadajir ah – Waxaanu aaminsanahay in ilmo kasta si gaara uu u hadiyeeyey Aabbaha Jannada. Waxaanu bixinaa goob waxbarasho qaabaysan oo xanaanaysa qeybo balaadhan oo bartayaasha Ilaahay kusoo hogaamiyey albaabkeena ah.
Kaqeybgalka Qoyska – Waxaanu aaminsanahay in kaqeybgalka qoysku yahay qeybta ugu muhiimsan ee horumarinta waxqabadka waxbarasho. Waxaanu ku dhiirigalinaa waalidiinteena/masuuliyiinteenu inay na kaashadaan iyagoo ka ciyaaraya door firfircoon dugsigeena.
Tawaaduc – Waxaanu u adeegnaa Eebe anagoo u adeegayna dadka kale. Waxaanu u adeegnaa bulshadeena anoo marayna bandhigyada xafladaha bulsho iyo barnaamijyada oo sidoo kale barayna ardaydeena qiimaha u adeegida dadka kale iyadoo la marayo mutadawacnimo. Waxaanu sidoo kale aqoonsanaa oo aan si qoto-dheer u qiimeynaa adeegyada dadka kale, kuwaasoo la wadaaga hadiyadahooda dugsigeena.
Sharafta – Qaamuusku wuxuu ku sharxayaa sharaftu inay tahay ku dhegsanaanta shuruucda macquulka iyo anshaxa; dhaqanka wanaagsan; daacadnimada. Waxaanu aaminsanahay in sharaftu sidoo kale khusayso filashooyinkeena dadaalka iyo masuuliyada.
Tayada – Bixinta intii awoodayada ah! Waxaanu ku dadaalnaa inaan noqono dugsi jawaab degdega bixiya oo qiimeeya waxbarasho tayo sare leh isla markaana daboola baahiyaha arday kasta. Waxaanu fahanaa in aanu ka raadinayno dariiq horumar joogto ah nafahayaga.

Sinnaan

No Rating

Sinnaanta qiimeynta dadaalka

Wax qiimayn ah ma lahan
Qiimayn lagama bixin. Maxa diiday?

Aragtida sinnaanta

Dugsiga Trinity First wuxuu aqbalaa ardayda isirkasta, midabkasta, qarankasta, & qowmiyad kasta kasoo jeeda ee dhammaan xuquuqda, sharafta, barnaamijyada, & hawlaha guud ahaan la aqbalo ama loo diyaariyo ardayda dugsiga. Kuma takooro sababo isir, midab, qaran, ama qoomiyad xaga bixinta siyaasadihiisa waxbarasho, siyaasadaha galitaanka, deeqaha waxbarasho & barnaamijyada daynta, & ciyaaraha fudud, ama barnaamijyada kale ee dugsigu bixiyo.