Hiawatha Academies – Northrop
Qiimaynta dadaalka dugsiga
Ku saabsan
Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha
Barnaamijyo dheeri ah
Akadeemiga Hiawatha (HA) waxa uu bixiyaa deeqaha ciyaaraha fudud oo ballaaran iyo barnaamijyo hoggaamineed iyo naadiyo. Dhanka ciyaaraha fudud, Hiawatha waxa uu katirsan yahay Eastern Minnesota Athletic Conference (Shirka Ciyaaraha Fudud ee Bariga Minnesota, EMAC) iyo sidoo kale Minnesota State High School League (Horyaalka Dugsiga Sare ee Gobolka Minnesota, MSHSL). Barnaamijyada ay taabagaliyaan MSHSL waxaa loogu deeqaa ardayda dhigata Akadeemiyada Hiawatha ee fasalada 7-12. Ciyaaraha fudud ee la bixiyo waxaa kamid ah Kubadda cagta, kubadda kolleyga, kubbadda laliska ee Gabdhaha, Isboortiga, Baratanada Fagaaraha, kubadda usha ee Wiilasha, kubadda jilicsan ee Gabdhaha & Orodka Baadiyaha. Waxa ay bixiyaan naadiyada iyo kooxaha manhajka kabaxsan, waxa ayna si joogta u meelmarinayaan danaha ardaydooda. Waxa ay aaminsan yihiin fursado u abuurista ardayda ee da’ kasta si ay uga qeybgalaan danahooda kabaxsan fasalka si loo dhiso dhaqan dugsi oo wanaagsan. Qaar kamid ah naadiyadeena waxaa kamid ah; Black Student Union (Ururka Ardayda Madow, BSU), Naadiga Shaxda, Danza Azteca, Gabdhaha Koodhgareeya Kumbiyuutarka, Naadiga LatinX, Gender & Sexuality Alliance (Isbahaysiga Jinsiga & Galmada, GSA), Bulshada Maamuuska Qaranka, Golaha Ardayda, Roboodyada & kuwa kale oo badan
Uniforms
Students who attend Hiawatha Academies – Northrop are not required to wear uniforms.
Sida la isku diiwaangeliyo
Haddii aad daneyneyso inaad iska diiwaangeliso, la xiriir (612) 455-4044 ama enrollment@hiawathaacademies.org. Waxaad sidoo kale booqan kartaa hiawathaacademies.org/apps/pages/enroll-now. Fadlan codso ugu dambeyn 2/10/23.
Ardayda joogta dugsigan
Macalimiinta joogta dugsigan
Celceliska ardayga marka loo barbardhigo saamiga macalinka
Tacliin
24%
Barnaamijyada aqoonta
Waxa uu iskudayaa inuu waayo-aragnimada dugsiga K-12 u abuuro ardayda oo awood u siinaysa aqoonta, dabeecadda, iyo xirfadaha hogaaminta. Ardaydeena waxa ay xirfadahaan uga faa’iideysan doonaan inay ku sahmiyaan, ku waraystaan, & ugu dambeyntina ke beddelaan bulshadeena. Dugsiga Hiawatha Academies, waxaa naga go’an inaan ka dhigno magaaladeena & adduunkeena mid loo dhan yahay, loo siman yahay, & oo cadaalad ah. Dugsiga Hiawatha Academies, waxaan ku dadaalnaa inaan abuurno waxbarashada loo dhan yahay ee bulshada oo adag, farxad leh, oo dhista hay’ad arday. Barnaamijka udiyaargarowga kulleejka. Waxa uu bixiyaa barnaamijka kudhafan farshaxanka, & barnaamijka STEM. Waxa uu bixiyaa waxbarashada gaarka ah.
Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah
Dhammaan ardayda Hiawatha Academies waxaa lagu awoodsiin doonaa xirfadaha aqoonta, dabeecada, & hoggaaminta si ay uga qallinjebiyaan kulleejka oo danta guudna uga shaqeeyaan. Bayaanka himiladan waxa uu ka fogaanayaa digniinaha ku saabsan waxa ardaydu gaari karaan. Waxaan aaminsanahay awoodda aan xadka lahayn ee canug kasta inay xudun u tahay shaqadeena waxaana taas ku taageernaa siyaabo kala duwan. Iyada oo himiladan lagu hagayo, fasaladeenu waxa ay taageeraan arday kala duwan, oo ay kujiraan ardayda baahiyaha waxbarasho ee gaarka ah qaba. Waxa aanu aaminsanahay: Canug kastaa waa in la qiimeeyaa, raja wanaagsan laga qabaa, loona arkaa qof gaar ah oo dhammeystiran. Ardayda badankooda ee naafada ah (90%+) waxa ay guul waxbarasho oo adag, oo heer fasal ah gaari karaan marki la siiyo taageerada saxda ah. Marka arday uusan guuleysan, malaheena caadiga ah waa inaan dib uga fikirno sida aan u taageereyno ardayga. Caqligu waa mid dhinacyo badan leh waana in sidaa loo aqoonsadaa. Ardayda naafada ah waa in lagu daraa facooda aanan naafada ahayn ilaa heerka ugu sareeya ee suuragalka ah.
Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska
Laga bilaabo Deyrta 2022, ku dhawaad 89% ee ardayda dhigata Hiawatha Academies waxa ay isu aqoonsanayaan inay yihiin kuwa kuhadla luuqado badan oo 60% ardayda Hiawatha ay uqalmayaan adeegyada ELD. Tirakoobka ardayda Hiawatha waxa ay daaha ka rogeen baahida loo qabo adeegyada ELD ee adag oo dhamaystiran kuwaas oo wax kaqabta baahiyaha luuqad ee ardayda guud ahaan heerarka fasalladeena oo dhan & heerarka kala duwan ee barashada Af-Ingiriisiga. Si wax looga qabto baahiyahaan, Hiawatha waxa uu diirada saarayaa bixinta adeegyada luqadda Af-Ingiriisiga oo adag isaga oo fasalada sayniska kudaraya macalimiinta horumarinta luqadda Af-Ingiriisiga iyada oo loo marayo qaab wax isla-barid ah. Intaa waxaa dheer, ardayda dalka ku cusub waxa ay qaataan fasalka dadka cusub oo loogu talagalay inuu daboolo baahiyahooda gaarka ah. Waxaan aaminsanahay in dhammaan ardayda ay qaataan casharada heerka fasal ah oo ayna horumariyaan luuqada muhiimka ah ee looga baahan yahay inay guulo oga gaaraan dhammaan dhinacyada casharka & dhexgalka bulshada.
Aqoon
1 oo arday 10 ah ayaa ku dadaala heerka xisaabta fasalka
2 oo arday 10 ah ayaa heerka fasalka wax aqriya
Horumar
This school does not have data for the 0 year
This school does not have data for the 0 year
Cimilo
42%
Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay
Hiawatha Academies waxa uu dhiirigeliyaa dhaqan ula dhaqma qoysaska sidi iskaashato. Ballanqaadkoodu waa inay xaqiijiyaan in qoysaska iyo waalidiinta ay la hawlgalaan macalimiinteena, maamulayaasha iskuulka, & shaqaalaha iskuulka si ay u taageeraan waxbarashada ubadkooda. Waxaa ka go’an inay: ka caawiyaan qoysaska Hiawatha indho-indhaynta nidaamka dugsiga & degmada dugsiga si ay ugu doodaan baahiyaha waxbarasho ee ubadkooda; inay bixiyaan barnaamijka Akadeemiyada Waalidka oo bilaash ah oo loogu talagalay waalidiinta si wadajir ah isugu keena dugsiyada, waalidiinta, & bulshada sidi la-hawlgalayaal siman si markaa dhammaan ardayda ay u gaaraan awooddooda waxbarasho ee ugu weyn; inay la shaqeeyaan ururada kala duwan ee waalidiinta, & kooxaha u dooda waalidka inay xoojiyaan kaqeybgalka qoyska: Ururka Qoyska, Guddiga Latalinta Waalidiinta ee Hindida Mareykanka, & Guddiga Waalidiinta Bariga Afrika.
Haynta macalinka
Imaanshaha
Adaabta
Sinnaan
59%
Aragtida sinnaanta
Si aan banii’aadanimada dadka oo dhan u sharafno, waxaan si firfircoon hor-istaag ugu sameynaa sinnaan la’aanta nidaamka si aan u raadinno adduun loo siman yahay. Hiawatha Academies waxa si joogta ah u hor-istaagaa sinnaan la’aanta waxbarashada iyada oo la xaqiijinayo dugsi wanaagsan oo uu leeyahay canug kasta.