Amos & Celia Heilicher Minneapolis Jewish Day School

Saacadaha dugsiga:
Mon-Fri 8:15AM-3:30PM
Daryeelka dugsiga kahor:
Haa
Daryeelka dugsiga kadib:
Haa
Degmo:
Independent

Qiimaynta dadaalka dugsiga

Wax qiimayn ah ma lahan
Qiimayn lagama bixin. Maxa diiday?

Ku saabsan

Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha

English, Hebrew

Barnaamijyo dheeri ah

Heilicher waxa uu bixiyaa hawlo kobcineed iyo ciyaaro fudud oo saacadaha dugsiga kadib ah. Hawlaha kobcinta ah waxaa ka mid ah shaxda, naadiga xisaabta, xiisado farshaxan iyo tiyaatar oo kala duwan, gitaar, robotyo, iyo qaar kaloo badan. Ciyaaraha fudud waxaa ka mid ah ciyaarta horyaalka ee fasallada 5-8, iyo ciyaaraha isboortiga iyo fasallada K-5. Bixinnada horyaalka dugsiga dhexe ee xilli ciyaareed ahaan waa kubadda cagta ee deyrta, kubbadda kolayga wintarka, iyo ciyaarta gu’ga ee ultimate frisbee. Waxay sidoo kale bixiyaan teeniska, Baratanka Gabdhaha, iyo hordhacyada isboortiga.

Extracurriculars Offered:

Music, STEM/STEAM Clubs, Sports, Theater, Visual Arts Clubs

Uniforms

Students who attend Amos & Celia Heilicher Minneapolis Jewish Day School are not required to wear uniforms.

Sida la isku diiwaangeliyo

To enroll, contact Deborah Getsug at (952) 381-3523 or dgetsug@hmjds.org.

Celceliska ardayga marka loo barbardhigo saamiga macalinka

-

Tacliin

No Rating

Qiimeynta dadaalka waxbarashada

Wax qiimayn ah ma lahan
Qiimayn lagama bixin. Maxa diiday?

Barnaamijyada aqoonta

Heilicher waxa uu kobciyaa xiisaha garaadka, muujinta farshaxanka, habsami u fikirka, iyo mas’uuliyadda bulsho ee dhammaan marxaladaha waxbarashada. Ardayda joogta Heilicher waxay dareemaan isku xirnaan iyo qadarin.
Waxay bixiyaan aasaas tacliimeed oo adag oo uu la socdo barnaamij firfircoon oo barashada Yuhuudda ah taasoo ardayda u awoodsiisa inay sahmiyaan iimaankooda iyo aqoonsigooda Yuhuudnimo, helaan aqoon diineed, oo ay kobciyaan ku xirnaanta Israa’iil. Manhajkooda is-weydiinta ku salaysan wuxuu ardayda ku xujeeyaa in ay noqdaan bartayaal dabacsan oo adkeysi leh iyagoo kobcinaya rabitaankooda asalka ah. Macallimiinta hibada iyo kartida leh waxay u heellan yihiin hirgelinta farsamooyinka dhaqanka waxbaridda ee ugu wanaagsan.

Academic Programs Offered:

Judaic Studies

Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah

Kooxda Kheyraadka Ardayga iyo Macalinka ee Heilicher waxay tababarid iyo taageero siisaa macalimiinta, iyadoo sidoo kale gacan ka geysanaysa caddaynta iyo fulinta mudnaanaha dugsiga oo dhan ee ku saabsan naqshadaynta waxbarashada si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee ardayda. Kooxdu waxay diirada saartaa aqoonsiga baahiyaha tacliimeed iyo bulsho ee ardayda gaarka ah, iyagoo bixinaya taageero fool-ka-fool ah iyo sidoo kale kooxo yaryar oo loo habeeyey.
Haddii canug uu dhibtoonayo, kooxda kheyraadka waxay canugaas ku indho-indhaysaa fasalka si ay si wanaagsan ugu fahanto baahihisiisa waxayna jawaab-celin ka raadisaa macalimiinta. Kooxda waxay intaa kadib macalimiinta — iyo xitaa waalidiinta — siiyaan talooyin wax looga qabanayo dhibaatooyinka. La socodka ardayga ayaa ku xigta, waxayna ka shaqeeyaan sidii ay kalsooni uga dhex abuuri lahaayeen canugaas iyo kooxdeenna kheyraadka, iyagoo sii wadaya hagaajinta qorshaha marka baahiyaha ardayga ay isbeddelaan, koraan, ama hoos u dhacaan. Ka go’anaan qoto dheer oo wada-xiriir joogta ah ayaa astaan u ah barnaamijka.
Kuwa uqalma Waxbarashada Gaarka ah iyadoo loo marayo degmada dugsiga ee maxalliga ah waa in ay aadaan dugsiga dadweynaha ee maxalliga ah, kaasoo siin doona taageerada (Susan Lindgren Elementary School).

Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska

Kooxda Kheyraadka Ardayga iyo Macallinka ee Heilicher waxay qoysaska ula shaqaysaa si shakhsiyaysan si ay u taageerto ardayda ELL.

Cimilo

No Rating

Qiimeynta waxqabadka cimilada

Wax qiimayn ah ma lahan
Qiimayn lagama bixin. Maxa diiday?

Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay

Heilicher waxaa ka go’an tacliin heer sare ah iyo u raadinta waxbarashada sidi tacabur nolosha oo dhan ah. Dugsiga waxa uu ka tarjumaa uuna baraa ixtiraamka kala duwanaanshaha nolosha Yuhuuda. Waxay ardaydooda ku xujeeyaan inay tusaale u noqdaan qiyamka diinta Yuhuuda iyo mabaadii’da dimuqaraadiyada Maraykanka.
Heilicher waxa uu bixiyaa waxbarasho qiyamka ku salaysan, bulshadoodana waxaa haga toban qiyam oo udub dhexaad u ah nolosha iyadoo ardaydu mid walba uu wax ku barto waxqabadyo isku dubaridan oo hal abuur leh iyo waxbarasho ku haboon da’da maalin kasta. Qiyamyadooda ka eeg: hmjds.org/about/mission-values.

Discipline Policy

Arday kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu wax ku barto goob leh badbaado, naxariis, iyo mas’uulnimo. Heilicher waxa uu filayaa ardayda oo dhan in ay joogteeyaan heer ku habboon oo is-xakamayn ah si ay tani u suuragaliyaan. Habdhaqannada xun ee joogtada ah waxay sababaan in ay jebiyaan ixtiraamka iyo sidoo kale waxay carqalad ku noqdaan jawiga waxbarashada. Marka dugsiga uu habdhawan xun ku wargeliyo ardayda ama qoysaskooda, tallaabo sixid ah oo degdeg ah ayaa la filayaa. Habdhaqan xumada ardayga ee aadka u daran, gaar ahaan kuwa khatarta ku ah badbaadada jireed ama shucuureed kuwa kale, waxay keeni karaan hakin ama ceyrin degdeg ah.
Heilicher waxa uu ku dadaalaa in ardaydu ay is-edbiyaan oo ay is-xakameeyaan iyada oo aysan jirin hanjabaad ciqaab oo joogta ah. Falsafadani waxay aqbashaa in ardayda marmar ay isku qasmi karaan iyada oo qeyb ka ah hannaanka waxbarashada. Dugsigu waxa uu canuga ka filayaa inuu qirto khaladka kana shaqeeyo xallinta waxyeellada uu keenay ficilkiisa. Habka Heilicher ee edbinta ayaa ah mid aad xal wax ku soo dabaala marka loo eego ciqaabta.

Bullying Prevention Policy

Ardayda oo dhan waxay xaq u leeyihiin jawi waxbarasho oo xor ka ah xadgudubka. Xoog u sheegashada waxaa lagu qeexaa qaab si xun ula dhaqan ah oo jireed ama afka ah oo uu ku kaco qof iyadoo la abuurayo isu dheelli-tirnaan la’aan awoodeed iyadoo xoog u sheegtaha uu ka awood badan yahay (ama ay u muuqato inuu ka awood badan yahay) dhibbanaha taas oo keenta khalkhal ku yimaadda deegaanka waxbarashada. Qeexid aad u qoto dheer, oo ay ku jirto xoog u sheegashada intarneedka, ayaa ku jirta Buug-gacmeedka Heilicher.
Qofkasta, arday ama qof qaangaar ah, oo ka warqaba habdhaqan xoog u sheegasho waxaa waajib ku ah inuu xoog u sheegashadaas u sheego macalinka canugga ama maamulaha ku habboon. Haddii macalin uu arko habdhaqan xoog u sheegasho ah, ama uusan hubin, waxaa waajib ku ah inuu hawshaas u sheego maamulka.
Kadib marka dugsiga uu ogaado xoog u sheegasho suurtagal ah, waxa uu go’aamin doonaa tallaabada ku habboon, oo ay ku jiri karto baaritaan. Hannaan dukumiintiyayn ah ayaa la bilaabi, oo ay ku jiraan faahfaahinta cabashada iyo tallaabooyinka uu qaaday dugsigu. Dugsiga waxa uu samayn doonaa dadaalo macquul ah si uu u ilaaliyo sirta iyo qarsoonaanta ardayga aman u dulqaadan doono aargoosi kadhan ah ardaygi cabasho gudbiya ama kaqeybqaata baaritaan. Dhammaan dhacdooyinka xoog u sheegashada ah waxaa laga yaabaa in laga qaado tallaabooyin edbin ah, ilaa iyo oo ay ku jirto cayrin.

Sinnaan

No Rating

Sinnaanta qiimeynta dadaalka

Wax qiimayn ah ma lahan
Qiimayn lagama bixin. Maxa diiday?

Aragtida sinnaanta

Kala duwanaanta dadka Yuhuuda waa mid ka mid ah awoodooda ugu weyn. Heilicher waxa uu ku dadaalaa inuu taageero safarka qoys kasta oo Yuhuud ah wuxuuna dhiirigeliyaa wadahadal furan oo ku saabsan waxa ay ka dhigan tahay Yuhuudi qarniga 21aad. Bulshada waxbarashada ee Heilicher waxaa kobciya waalidkiisa BIPOC, diimaha kala duwan, kuwa cidna aan ku xirnayn, waalidka keliga ah, iyo qoysaska LGBTQ. Yoolka Heilicher waa bulsho waxbarasho loo dhan yahay taasoo cid kasta la soo dhaweeyo, la qadariyo, la ixtiraamo, la maqlo, lagana qeybgeliyo.