Blessed Trinity Catholic School
Qiimaynta dadaalka dugsiga
Ku saabsan
Luqadaha ay ku hadlaan shaqaalaha
English, Spanish
Barnaamijyo dheeri ah
Nolosha dugsiga ee ardaydu waa ay ka badan tahay tagista dugsiga oo kaliya. Dugsiga Blessed Trinity, ardadya waxay raacaan danahooda waxayna isku dayaan hawlo cusub. Iyadoo waxqabadyada manhajka ka baxsan ay isbeddelaan sanadba sanad, qaar ayaa la heli karaa sanad kasta, sida: kooxda muusiga, kooxda heesta, kooxda robotyada, Kedis Aqooneedka, kooxaha ciyaaraha fudud, iyo dhacdooyinka caweysyada qoyska u roon kuwaasoo dhaca sanadka oo dhan.
Extracurriculars Offered:
Music, STEM/STEAM Clubs, Sports, Theater
Uniforms
Students who attend Blessed Trinity Catholic School are required to wear uniforms.
Sida la isku diiwaangeliyo
To enroll, contact Caroline Langfeldt, Director of Enrollment at (612) 440-7573 or admissions@btcsmn.org.
Ardayda joogta dugsigan
Celceliska ardayga marka loo barbardhigo saamiga macalinka
Tacliin
Barnaamijyada aqoonta
Blessed Trinity wuxuu bixiyaa barnaamij tacliimeed oo ay macalimiintu diiradda saaraan horumarinta canugga oo dhan. Laga bilaabo barashada koowaad ee sida wax loo akhriyo loona xisaabiyo ilaa cutubyada buugaagta iyo xaqiiqooyinka xisaabta, guushu waxay u egtahay mid ku kala duwan ardayda. Ardayda waxay dhex socdaan hoolalka dugsiga iyagoo og in ay yihiin kuwo gaar ah, awood leh, lana jecel yahay. Ardayda waxay ka baxaan BT iyagoo si fiican ugu diyaarsan dugsiga sare. Haddii ay dugsiga joogeen 10 sano ama 1 sano, Blessed Trinity Tigers waxay ku qalinjabiyaan dareenka adag ee cidda ay yihiin iyo sida ay isbeddel u samayn karaan.
Academic Programs Offered:
Advanced Instruction, Personalized Learning, STEM/STEAM
Barnaamijyo waxbarasho oo gaar ah
Iyadoo loo marayo barnaamijka City Connects, BT wuxuu leeyahay lataliye dugsi oo goobta ku sugan kaasoo qiimeeya arday kasta, sanad walba. Iyadoo loo marayo shaqadan, qorshayaal shakhsi ayaa la abuuraa si ardayda looga caawiyo inay guulaystaan waxayna qoysaska ku xiraan kheyraadka ay u baahan yihiin.
Barnaamijka bartaha ee luqada ingiriiiska
Wax jawaab ah kama soo bixin dugsiga.
Cimilo
Shuruucda dugsiga ku dhisan yahay
Dugsi Katoolig ka ahaan, Blessed Trinity waxaa hoggaan u ah waxbarista, caadooyinka, iyo qiyamka Kaniisadda Katooliga Roomaanka. Waxa ay la shaqeeyaan waalidiinta si ay uga caawiyaan ardayda inay horumariyaan hibooyinka iyo kartidooda gaarka ah ee Eebbe ku manaystay, si ay u horumariyaan daacadnimo shakhsi ahaaneed iyo is-edbin, iyo inay ixtiraamaan dhammaan abuurista Eebbe. Dugsiga waa mid loo dhan yahay wuxuuna ka shaqeeyaa in uu bixiyo waxbarasho Katoolig oo heer sare ah oo uu siiyo dhammaan kuwa jeclaan lahaa mid ka mid ah bulshadooda kala duwan. Waxaa ka go’an tacliin heer sare ah iyo in ay waxbarasho ku bixiyaan deegaan leh daryeel, badbaada ah, oo kobcin leh. Waxay si aad ah uga shaqeeyaan in ay ardayda gacan ka siiyaan sidi ay ku gaari lahaayeen awoodooda buuxda sidi suurada Eebbe–ruux ahaan, garaad ahaan, shucuur ahaan, akhlaaq ahaan, bulsho ahaan, iyo jir ahaanba iyada oo loo marayo waxbarasho macno iyo farxad leh iyo khibrado iimaan.
Discipline Policy
BT waxa uu la shaqeeyaa waalidiinta si uu uga caawiyo ardayda inay horumariyaan hibooyinka iyo kartidooda gaarka ah ee Eebbe ku manaystay, si ay u horumariyaan daacadnimo shakhsi ahaaneed iyo is-edbin, iyo inay ixtiraamaan dhammaan abuurista Eebbe.
Sinnaan
Aragtida sinnaanta
Marka arday uu kusoo biiro Blessed Trinity, qoyskiisa oo dhan waxa uu qeyb ka noqonayaa xaafadda–bulshada BT–ee ardayda, waalidiinta, macalimiinta, shaqaalaha, iyo taageerayaasha dhamaantood waxay diiradda saaraan korinta carruurta. Ardaydooda waxay ku nool yihiin iimaankooda maalin kasta, waxayna si qoto dheer oo naxariis badan uga fikiraan arrimaha adduunka, wax u qabtaan, & una duceystaan.
Ka ahaan waalidiinta Blessed Trinity Tiger, waxaad qeyb ka noqon doontaa koox dejisata yoolalkooda kana qeybqaata waxbarasho si gaar ah loogu talagalay ardaygaaga in uu si fiican wax u qabto. Inta lagu jiro wakhtigaaga BT, waxaad arki doontaa sida bulshada u taageerto arday kasta iyo qoys kasta.