Liiska ereyada

Koorsooyinka horumarsan

Fasalada heerka sare ah sida AP, IB, ama labo meel iska diiwaangelinta. Ardayda waxay qaadan karaan kiridhitka/buundada kulleejka iyagoo weli dhiganaya dugsiga sare.

Heerka soo xaadiritaanka

Sida ay ardaydu u yimaadaan dugsiga. Haddii 9 ka mid ah 10 arday ay dugsiga yimaadaan maalin kasta, heerka soo xaadiritaanka waa 90%.

Xeerka xuquuqda

Liis u sheegaya waalidiinta waxa ay ku caawin karaan ilmahooda dugsiga. Wuxuu sharaxayaa waxa waalidiinta loo oggol yahay inay waydiiyaan.

Kartida dhaqameed

Marka ay macalimiintu fahamsan yihiin dhaqamo kala duwan oo ay yaqaanaan sida si wanaagsan loola shaqeeyo dhammaan noocyada kala duwan ee ardayda.

Manhajka

Dhammaan waxyaabaha ay ardayda ku bartaan dugsiga, sida xisaabta, akhriska, sayniska, iyo cilmiga bulshada. Dugsiyada waxay samaysan karaan manhajkooda ama waxay ka dooran karaan doorashooyin ballaaran oo kala duwan.

Tirakoobka

Xogta ku saabsan ardayda dhigata dugsiga, sida isirka ay yihiin, haddii uu dakhligoodu hooseeyo, haddii luuqadda Ingiriiska tahay afkooda hooyo, ama haddii ay u qalmaan adeegyada waxbarashada gaarka ah.

Xogta edbinta

Xog muujinayso inta arday ee la cayriyay, la ruqseeyay, ama lagu qaaday tallaabooyinka kale ee edbinta ah.

Xiriiriyaha qoyska

Qof jooga dugsiga oo ay shaqadiisu tahay caawinta qoysaska. Waxay ka jawaabaan su’aalaha waxayna xaqiijiyaan in qoysaska ay dareemaan soo dhaweyn.

Kheyraadka heerka fasalka

Buugaagta iyo casharrada ku habboon da’da ardayga. Ardayda fasalka koowaad waxay dhigtaan buugaagta fasalka koowaad, ma dhigtaan buugaagta fasalka saddexaad.

Habraaca cabashada

Tallaabooyinka ay raacaan waalidiinta marka ay dhibaato kala kulmaan dugsiga oo ay rabaan inay xalliyaan.

Turjubaan

Qof ka caawiya dadka inay isla hadlaan marka ay ku kala hadlaan luuqado kala duwan.

Aqoonta

Marka ardaygu garanayo waxa ay tahay in uu ku ogaado fasalkiisa

Horumarka

Qadarka xirfadaha ardaygu kor u kacaan waqti ka dib

Dhaqamada xal ku soo dabaalidda

Hab loo maareeyo mashaakilaadka oo diiradda saara hagaajinta waxyeelada halkii la ciqaabi lahaa

Waxbarashada Gaarka ah

Caawimaad dheeraad ah oo ay helaan ardayda qaarkood marka ay waxbarashadu ku adag tahay ama ay u baahan yihiin taageerooyin kala duwan.

Waxbarid diiradda saarta ardayga

Marka macalimiintu ay bedelaan sida ay wax u baraan si ay uga caawiyaan arday kasta inuu si fiican wax u barto

Xog ogaal u ah dhaawaca

Marka dugsiyadu ay fahamsan yihiin in wax xun laga yaabo inay ku dhaceen ardayda iskuna dayaan inay ka caawiyaan inay dareemaan ammaan lana taageero.

Smiling students getting off the school bus.

U diyaari ardaygaaga guul

Adeegso Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) si aad u ogaatid kuwa kuugu habboon, ama isu diiwaangeli Bandhigga Dugsi Raadiyaha K-12 ee Minneapolis. Dib-u-eeg Hagaha Heerarka Qoyska ee Minnesota si aad u aragto in ardaygaaga uu hayo dhabbaha loogu gudbayo fasalka xiga.