Waxaan ogaanay in qoysaska Minneapolis ay tixgaliyaan arrimo badan marka ay timaado go’aaminta in dugsi uu u fiicnaan doono carruurtooda: Ardaygaygu ma nabad gelayaa? Si cadaalad ah ma loola dhaqmi doonaa? Wax ma baran doonaan?
Qiimeynta Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) ayaa ka tarjumaysa su’aalaha ay qoysasku iswaydiiyaan marka ay tixgelinayaan dugsi. Waxaan isticmaalnaa xogta la heli karo ee bannaanka taalo si aan u cabbirno natiijooyinka ardayda & khibradaha tacliinta & cimilada, iyo sidoo kale inaan eegno sida dugsi uu ula dhaqmo ardayda kala duwan iyadoo ku xiran jinsiyaddooda/ isirkooda ama aqoonsi kale.
Waxaan sidoo kale ognahay in xogtu aysan sheegin sheekada oo dhan. Tani waa sababta aan si dhow ula shaqeyno dugsiyada si ay iyagu isugu matalaan borofaylkooda annagoo qeexayna barnaamijkooda waxbarasho, qiyamyada & qaar kaloo badan. Waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad eegto astaanta/borofaylka guud ee dugsiga markaad go’aansanayso haddii dugsigani uu noqon karo mid ku habboon ardaygaaga.
Qiimaynta waxqabadka dugsiyadu waxay ku salaysan yihiin xogta hal sano kaliya. Waxaan eegnaa saddex meelood oo waxqabad ah:
- Tacliinta: Tirada ardayda heerka fasalka, haya dhabbaha u diyaarsanaanta kulleejka, &/ama muujinaya horumar tacliimeed
- Cimilada: Haday ardayda iyo shaqaaluhu dareemaan ka mid ahaanshaha dugsiga
- Sinnaanta: Gudaha dugsiga iyo marka loo barbardhigo dugsiyada kale, sida kooxaha ardayda ee kala duwan ay ka yihiin dhammaan cabbirada kor ku xusan
Aag kasta oo waxqabad ah, waxaanu siinaa mid ka mid ah shan qiimayn:
Waa maxay Qiimeynta Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis)?
Qiimaynta Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) (MSFR) waa aalad looga caawiyo qoysaska inay fahmaan oo la falgalaan xogta dugsiga, iyaga oo awood loo siinayo inay u doodaan guusha carruurtooda. Qoysaska, wakiilada dugsiga, iyo hogaamiyayaasha bulshada ayaa si wadajir ah u soo saaray qeexitaankan cabbirada badan leh ee tayada dugsiga. Dugsi kasta oo xaqa u leh oo ku yaal Minneapolis School Finder (MSF) wuxuu helayaa qiime boqolkiiba kaas oo ka tarjumaya sida wanaagsan ee ay wax u qabanayaan. Boqolleydaan waxaa loo kala qeybiyay safaf midabo leh oo casaanku uu yahay qiimeynta ugu hooseysa ee dugsigu heli karo halka buluuga uu yahay kan ugu sarreeya. Sida ay u kala horreeyaan midabadu waa Casaan, Oranji, Jaalle, Cagaar, Buluug.
MSFR waxay ku beddeleysaa qiimeyntii hore ee tacliinta ee MSF cabbir aad u dhammeystiran, iyada oo ku daraysa cimilada & cabbiraadaha sinnaanta si ay u kabto halbeegyada tacliimeed ee soo jireenka ah. Magaalooyin badan–oo ay ku jiraan Chicago, Denver, & New York City–waxay qiimeyn la mid ah u adeegsadaan dugsiyadooda.
Qiimeynta MSFR ee hadda jirta ma aha alaab dhammaatay; tani waa isku-daygeenii ugu horreeyay ee aan ku qabanno sawir dhammaystiran oo tayada dugsiga ah. U doodayaasha waxbarashada maxalliga ah iyo siyaasadda ayaa si firfircoon uga shaqeynaya isbeddellada MSFR iyaga oo hoggaanka u qabanaya shaqada horumarinta tayada iyo tirada xogta.
Waa maxay waxa galaya Qiimeynta Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis)?
MSFR waxay leedahay saddex qaybood: Tacliinta, Cimilada, & Sinnaanta. Marka la isku daro, kuwani waxay ka kooban yihiin qiimeyn guud. Qayb kasta waxaa lagu xisaabiyaa cabbiro kala duwan oo tilmaamaya tayada dugsiga ee aaggaas. Cabiraadaha qiimayntu way ku kala duwan yihiin dugsiyada sare ee soo jireenka ah iyo dugsiyada u adeegaya fasalada K-8.
Qaybta | Cabiraadaha K8 | Cabiraadaha Dugsiga Sare | Cabbiraadaha Kale ee Dugsiga Sare |
Tacliinta | Aqoonta MCA – Xisaabta & Akhriska Horumarka MCA – Xisaabta & Akhriska | Qalinjabinta 4 Sano Sii Waditaanka Kulleejka Iskudhafka ACT | Heerka Qalinjabinta 7 Sano Boqolkiiba Qalinjabinta Kulleejka ama Shaqeynayso Wakhti Buuxa Isugeynta Buundooyinka |
Cimilada | Xaadirista Joogtada ah Haynta Macalinka Arday Xajisashada | Xaadirista Joogtada ah Haynta Macalinka Arday Xajisashada | |
Sinnaanta | Nusqaamaha dugsiga dhexdiisa ah ee aqoonta MCA, horumarka MCA, iyo xaadiritaanka joogtada ah Nusqaamaha dugsiyada dhexdooda ah ee aqoonta MCA, horumarka MCA, iyo xaadiritaanka joogtada ah Boqolkiiba macalimiinta aan caddaanka ahayn marka loo eego ardayda aan caddaanka ahayn | Nusqaamaha dugsiga dhexdiisa ah ee heerka qalinjebinta iyo xaadiritaanka joogtada ah Nusqaamaha dugsiyada dhexdooda ah ee heerka qalinjebinta iyo xaadiritaanka joogtada ah Boqolkiiba macalimiinta aan caddaanka ahayn marka loo eego ardayda aan caddaanka ahayn |
Sidee ayaa Qiimeynta Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) loo xisaabiyaa?
1. Hagaajinta cabbir kasta oo gaar ah.
Cabbiraad kasta waxa loo qaybiyaa 5 qaybood oo midab leh, oo ay kala gooyaan 4 dhibcood. Dhibcahaan la gooyay ayaa la isku hagaajiyaa si ay u deeqaan qaybin fidsan oo leh cabbir 0 ilaa 100. Tani waxay u oggolaaneysaa in la isbarbardhigo dhammaan cabbirada.
Aqoonta wax-akhrisku waxa loo qaybiyaa 5 qaybood. Ka dib waa la qaloociyay si ay ugu habboonaato qaybinta 20/40/60/80 iyadoo la adeegsanayo qaacidada y = 0.006882×3 – 0.731027×2 + 25.954613 x – 250.46875, halkaasoo x ay tahay qiimaha la soo sheegay ee MDE iyo y uu yahay qiimaha SPR ee La Xisaabiyay (la qalloociyay).
Dugsi leh heerka Aqoonta Akhriska ee 37% waxaa la siinayaa qiime la hagaajiyey oo ah 58%, isaga oo la siinayo qiimaynta Jaallaha ah. Cabbiraad kastaa waxay leedahay hagaajin u gaar ah oo ku salaysan dhibcaha loo gooyey.
2. Xisaabinta celceliska miisaanka ee qayb kasta.
Anagoo ka duulayna tusaalaheenii hore, hoos ka eeg xisaabinta galaysa Qiimaynta Tacliinta ee Tusaalaha Dugsiga.
Tacliinta Dugsiyada K-8, Horumarka Xisaabta & Horumarka Akhriska mid kasta ayaa ah 37% ee wadarta miisaanka. Aqoonta Xisaabta iyo Aqoonta Akhriska ayaa ah midkiiba 13%.
3. Xisaabinta Qiimaynta Guud iyada oo la isticmaalayo celceliska miisaanka ee saddexda qaybood
Farsamo isku mid ah ayaa loo isticmaalaa in lagu abaalmariyo Qiimaynta Guud. Taasi waxa ay tahay, saddexda qaybood waxay ka qayb qaataan celceliska miisaanka, natiijada taas oo ah Qiimaynta Guud.
Tusaalaha Dugsiga waxaa la siiyay qiimaynta Jaallaha ee Cimilada & Qiimaynta Jaallaha xagga Sinnaanta. Kuwaas, oo lagu daray qiimeynta Cagaaran ee uu ka helay Tacliinta, waxay wada noqdaan qiimeynta guud ee Jaallaha.
waa Maxay Sababta Aanu Dugsi u Lahayn Qiimayn?
1. Xog Xadidan
Sababta ugu badan ee qiimeyn la’aanta waa la’aanta xogta tayada. Dugsiyada ay ka maqan yihiin xogta in ka badan kala badh cabbirkooda lama siin qiimeyn. Waxaa jira dhowr sababood oo laga yaabo in dugsi uu u waayo xogta.
- Aqoonta MCA, cabbirka muunada ayaa laga saaray xogta dugsigi kasta oo ay ardaydiisu wax ka yar 60% qaataan MCA sanadka 2024.
- Horumarka MCA, cabbirka muunada ayaa laga saaray xogta dugsigi kasta oo ay ardaydiisu wax ka yar 50% qaataan MCA sanadaha 2023 ama 2024 midkood.
- Iskudhafka ACT, cabbirka muunada ayaa laga saaray xogta dugsigi kasta oo ay ardaydiisu wax ka yar 60% qaataan ACT sanadka 2023.
- Dugsiyadu waa in ay lahaadaan xog ansax ah ugu yaraan kala bar ka mid ah cabbirada qeyb si ay u helaan qiimeyn.
- Dugsiyadu waa in ay lahaadaan qiimeynta dhammaan saddexda qeybood si ay u helaan qiimeyn guud.
- Dugsiyada madaxa banaan waxay leeyihiin xog yar oo la heli karo. Iyadoo dugsiyada la siiyay fursado ay ku wadaagaan xogta, weli waxaa jira xaddidaadyo waxa la heli karo.
2. Dugsiyada Cusub
Dugsiyada furmaya Dayrti 2022 ama ka dib ma lahaanayaan wax xog ah. Dugsiyada la furay Dayrti 2021 waxay lahaanayaan xog xaddidan.
3. Dugsiyada PreK-2aad
MCA waxaa la qaadaa laga bilaabo Fasalka 3. Tani waxay ka dhigan tahay in dugsiyada u adeegaya kaliya ardayda ka hor Fasalka 3 aanay heli doonin xogta Tacliinta. Dugsiyada PreK-2aad ee ardayda u dira dugsiyada fasallada 3aad-5aad ayaa la siiyaa qiimeynta Tacliinta ee dugsiga shuraakada la ah.
4. Dugsiyada Kale
Dugsiyada sare ee kale waa dugsiyo sare oo inta badan ardayda ugu adeega soo kabashada buundooyinka ama ka-kabashada dhex uga tagitaanka dugsiga. Dugsiyadani kaliya waxay leeyihiin qiimaynta Tacliinta. Tani waa sababta oo ah in badan oo ka mid ah xogta cimilada ee bannaanka laga heli karo aanay tilmaan u ahayn tayada dugsiyada sare ee beddelka kale ah. Tusaale ahaan, dugsiyada qaarkood, tayada macneheedu waa siinta ardayda dabacsanaanta inay wax ku bartaan meel ka baxsan fasalka, markaa soo xaadiritaanku maka tarjumo tayada. Waxaan sii wadeynaa shaqada si aan u balaadhino helitaanka & tayada cabbirada Cimilada si aan awood ugu yeelano in aan sidoo kale siino qiimeyn dhamaystiran dugsiyadan.
Sideen hoos ugu sii dhex geli karaa xisaabinta?
Wixi macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo xisaabiyo MSFR, ka eeg MSFR Calculations Technical Guide.