Dugsi bilaash ah / School Fair

Ardaygaagu wuxuu u qalmaa in uu hormar gaaro. Dugsi wanaagsan ayaana suurtagalin kara.Kaalay oo ka hel dugsigaas taariikhdu markay tahay Janaayo 11 deeda Minneapolis School Finder Fair!

Waa maxay: Bandhigga Dugsiyada Magaalada oo dhan – 90+ dugsi oo nooc walba leh ayaa halkaas joogi doona!

Goorma: Sabti,  Janaayo 11, 10 subaxnimo -2 galabnimo

Kuma: Qoysaska iyo ardayda raadinaya dugsiga Miineapolis

Halkee: Minneapolis College (horey loogu yaqaanay MCTC) Plaza, 1415 Hennepin Ave

School RSVP Form

Magaca

Soo deji kaarka Raacitaan bilaashka ah ee Metro Transit!

Waad ku mahadsan tahay xiisayntaada u qaadida Metro Transit xafladan.  Ka jawaab su’aalaha oo dhagsii SUBMIT si aad u soo dejiso kaarka raacida bilaashka ah.

Su’aalaha inta badan la is weydiiyo

Sidee ayaan halkaas ku imaan karaa?

Madashu waxay ka dhacaysaa dhismaha Minneapolis College ee ku yaala bartamaha Minneapolis.

Waxaad sidoo kale qorshaysan kartaa safarkaaga aad ku imaanayso Minneapolis College adiga oo adeegsanaya qorsheeyaha safarka ee kujira MetroTransit (kharashka gaariga lagu raaco ee caadiga ah ayaad bixinaysaa).

Waxaan ku siin doonnaa goob gaariga la dhigto oo bilaash ah inta madashu socoto taasoo lagaa siinayo Jardiinka Baarkinka ee Minneapolis College.

Halkee ayaan gaariga dhigan karaa? 

Baarkinku waa mid bilaash ka ah Jardiinka Baarkinka ee Minneapolis College inta lagu jiro mudada madashu socoto.  Jardiinku wuxuu ku yaalaa 1501 Hennepin Ave Minneapolis, MN 55403 ayada oo laga soo galayo Laurel Ave and 16th Street N (halkaan ka arag si aad uga qorshaysato safarkaaga khariiradda Google)

Si aad madasha uga soo gasho garaashka baarkinka ah, kor u fuul dabaqa 3aad ee baarkinka waxaadna isticmaashaa waddada kor marta ee Hennepin Ave.

Tarjumaad ma jiri doontaa?

Haa! Waxaan nala joogi doonaa tarjumaanno loogu tala galay Spanish-ka Soomaaliga, Hmong iyo Oromo. Intaa waxaa dheer, in badan oo kamid ah shaqaalaheenna, iyo shaqaalaha dugsiga Ingiriis, Spanish, iyo Soomaali. Waxaan sidoo kale yeelan doonna adeegyo tarjumaad internetka ah markii loo baahdo kuwaas oo u diyaarsan qoysaska ku hadla luuqad aanaan haysan tarjumaankeeda oo markaas nala jooga.

Dugsiyadee halkaas imaan doona? 

Waxaan sii wadi doonnaa in aan sii cusboonaysiino liiska maadaama dugsiyadu wali is diiwaangalinayaan

 

 

 

Ma codsan karaa/iska diiwaan galin karaa dugsi inta aan bandhigga joogo? 

Haa! Ayada oo aysan khasab kugu ahayn in aad iska diiwaangaliso dugsi inta aad bandhigga joogto, haddana waxaad awoodi doontaa in aad buuxiso foomka codsiga dugsiga ee miisaska dugsiyada haddii aad sidaa doorato.

Ma jiri doonaa daryeelka caruurtu? 

Haa, waxaa jiri doona daryeelka caruurta oo goobta laguugu siinayo. Waxaa lagu heli doonaa qaab ku salaysan qaabka loo soo kala horeeyo, ayaa loogu adeegayaa.

Cunto majiri doontaa?? 

Haa! Waxaan bixin doonnaa caajis bi’iyeyaal fudfudud inta lagu jiro muddada adashu socoto.

Waa maxay howlaha caruurta loogu tala galay ee halkaas laga helaayo?

Waxaan yeelan doonnaa goobo loogu tala galay howlaha caruurta da’doodu u dhexayso 3-14 sanno dhammaan inta madashu socoto, waxaan sidoo kale yeelan doonnaa goobo loogu tala galay macluumaadka koleejka iyo xirfadda ardayda dugsiga sare kuwaas oo laga helaayo qaybta loogu tala galay dugsiga sare ee madasha.

Maxaa la iga rabaa in aan sii sameeyo? 

Fadlan sii eeg barta macluumaadka(profiles) dugsiyada aad danaynayso in aad la hadasho iyo sidoo kale aaladda How to Pick a School, halkaas oo aad ka heli karto su’aalaha laga yaabo in aad rabto in ada weydiiso dugsiyada si aad wax badan uga ogaato.

Muddo intee le’eg ayaan qorshaystaa in aan bandhigga joogayo? 

Waxaan filaynaa in qoysaska intooda badan ay doonayaan in ay qiyaastii hal saac ku bixiyaan bandhigga. Inkasta oo lagu soo dhaweynayo haddii aad wakhti yar ama wakhti badan ku bixiso labadaba hadba sidaad rabto!

Ma la joojin doonaa haddii cimiladu xumaato? 

Haddii ay dhacdo in cimiladu si aad ah u xumaato, ama xaalad degdeg ah oo kale, waanu joojin doonnaa bandhigga. Fadlan xaqiiji RSVP-ga kore si aan kuu ogaysiinno haddii arintaanu dhacdo.