Tallaabooyinka Lagu Xusho Dugsi

Diiwaangelinta Dugsiyada ee Dayrta 2026 ee Minneapolis

Sahmi

Xagaaga 2025
Ogow waxa adiga & ardaygaagaba mudnaanta idiin ah marka ay timaado dugsi

Booqo dugsiyada

Dayrta 2025 – Qaboobaha 2026
Booqo dugsiyada liiska kuugu jira

Codso

Feb 2026
Codso 2-3 dugsi ee kuugu sarreeya

Natiijooyinka

Gu’ga 2026
Ogow halka canugaaga uu ka dhigan doono dugsi

Bilow dugsiga!

Dayrta 2026
Taageero sii safarka waxbarasho ee canugaaga

Tallaabada 1: Ku Saabsan Ardaygayga

Child writing at their desk at school.

Ka fikir waxa adiga iyo canugaaga u baahan tihiin si aad ugu guulaysataan dugsiga. Helitaanka jawaabaha su’aalahaan waxay kaa caawin doontaa inaad fahamto waxa aad raadinayso.

Answer these questions:

  • Maxaa xiiso galiya ilmahayga?
  • Waa maxay qeybaha dugsiga ee ilmahaygu jecel yahay?
  • Waa maxay qeybta ugu hawsha badan ilmahayga ee dugsigu?
  • Sidee ayuu ilmahaygu wax ku bartaa?
  • Canugayga muxuu rabaa inuu sameeyo dugsiga sare kadib?
  • Waa maxay waxa kuugu muhiimsan adiga? Xagga Dugsi? Waxa la baranayo?

Maxaa adiga & ardaygaagaba ugu muhiimsan dugsiga? Ma jiro dugsi dhammaystiran, dugsi walbana waxa uu bixiyaa waxyaabo kala duwan. Ka fakar 2-3 waxyaabood ee aad aadka u danayso marka aad dugsi raadinayso oo kaliya fiiri dugsiyada leh waxyaabahaas. Soo eeg 9-ka Waxyaabood ee uu Leeyahay Dugsiga Wanaagsan si aad u ogaato qaar ka mid ah waxyaabaha laga fiiriyo dugsiyada.

Tallaabada 2: Soo Baar Dugsiyada

1. Adeegso Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) si aad u bilowdo baaritaankaaga.

Gal MinneapolisSchoolFinder.org/so si aad u isticmaasho meesha wax laga baaro iyo kala shaandhaynta.

Geli ciwaanka gurigaaga. Tani waxay sahlaysaa in natiijada lagu kala shaandheeyo masaafada loo jiro gurigaaga.
Dooro fasalka uu canugaaga dhigan doono sanad dugsiyeedka soo socdo.
Ku dhufo search (meesha baaritaanka) si aad u aragto natiijooyinka.

2. Kala shaandhee natiijooyinka baaritaankaaga adigoo adeegsanaya filtarada Transportation (Gaadiidka) iyo More (Kuwo Badan).

Filtarka Transportation (Gaadiidka) wuxuu kuu sahlayaa inaad aragto dugsiyada bixiya baska.
Ku kala shaandhee filtarada kale ee hoos yimaada More (Kuwo Badan), sida barnaamijyada tacliinta ee la bixiyo, waxqabadyada manhajka ka baxsan, yunifoomka loo baahan yahay, iyo qiimaha tuushanka.

3. Wax ka ogow dugsiga adigoo ku dhufanayo borofaylkooda

Qaybta kore ka hel faahfaahinta dugsiga, sida saacadaha dugsiga, meesha uu ku yaallo, iyo meelaha lagala xiriirayo.
Fiiri qiimaynta dugsiga si aad fikrad uga hesho sida ay ugu adeegaan ardayda.
Fiiri faahfaahin dheeraad ah adigoo gujinayo qaybta About (Ku Saabsan), Academics (Tacliinta), Climate (Jawiga), ama Equity (Sinnaanta).
Aykonada Aykon-Aykon u fiiri qayb kasta si aad uga hesho xog faahfaahsan.

4. Si aad u hesho caawimo dheeraad ah, ka eeg Ka Faa’iidaysiga Kheyraadka iyo Dadka

Tallaabada 3: La Hadal Dugsiyada

Child and parent at the Minneapolis School Finder Fair.

Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) waa bar laga bilaabo oo xog badan leh, balse ma jiro wax war ka badan kaaga sheegi kara dugsiyada oo aan ahayn inaad booqato oo aad la hadasho shaqaalahooda. La hadal dugsi kasta oo aad ka fakarayso inaad canugaaga gayso, oo booqo dugsiyada sida aadka ah kuu cajabiya.

Meesha ugu fiican ee lagula hadlo dugsiyada waa bandhigga sannadlaha ee Minneapolis School Finder Fair, kaas oo bisha Janaayo ka dhaca Kulleejka Minneapolis.

Marka aad go’aansanayso dugsi, waa inaad dareentaa inaad haysato dhammaan xogta aad u baahan tahay si aad u qaadato go’aan sax ah. Weydii su’aalo badan marka aad la hadlayso dugsiyada. Ka fiiri 9-ka Waxyaabood ee uu Leeyahay Dugsiga Wanaagsan, kuwaasoo ku siinaya su’aalo si aad u bilowdo.

Tallaabada 4: Go’aanso Dugsi, Codso, oo iska Diiwaangeli!

Children listening to the teacher in a classroom.

Codso 2-3 dugsi si aad u xaqiijiso in canugaaga uu boos ka helo dugsi ku cajab galiyay. Borofaylka dugsi kasta wuxuu leeyahay liinkiyo ku gaynayo barta codsiga & diiwaangelinta ee dugsiga. Kadib marka laguu ogolaado dugsiyada, go’aanso midka aad rabto in ilmahaagu dhigto oo kaliya ka diiwaangeli ardaygaaga midkaas.

Dugsiyada kala duwan waxay leeyihiin tallaabooyin kala duwan oo la isku diiwaangeliyo. Guud ahaan, dugsiyada Minneapolis waxay leeyihiin waqtiyada kama dambaysta ah ee diiwaangelinta bisha Febraayo. Waa muhiim in la codsado wakhtiyadaan kama dambaysta ah ka hor si aad u xaqiijiso in ardaygaagu haysto fursada ugu fiican ee lagu aqbali karo. Dugsiyada ayaa laga yaabaa inay kuu oggolaadaan diiwaangelinta wakhtigaas kadib, balse waxaad haysataa fursad yar oo lagugu aqbalo haddii boosaska ay buuxsamaan.

Smiling students getting off the school bus.

U diyaari ardaygaaga guul

Adeegso Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) si aad u ogaatid kuwa kuugu habboon, ama isu diiwaangeli Bandhigga Dugsi Raadiyaha K-12 ee Minneapolis. Dib-u-eeg Hagaha Heerarka Qoyska ee Minnesota si aad u aragto in ardaygaaga uu hayo dhabbaha loogu gudbayo fasalka xiga.