Ku soo dhawoow Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis), hagaha kaliya ee ardayda iyo qoysaska siiya macluumaad ku saabsan dhammaan dugsiyada ka shaqeeya Minneapolis. Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) waxa uu qoysaska siiyaa xog la heli karo oo si fudud lagu fahmi karo.
Waxaanu aaminsanahay in dugsiyada wanaagsani ay awood u leeyihiin in ay wax ka beddelaan nolosha. Ardayda ku dhaqan Minneapolis ee ka soo qalinjebiya dugsi buundo fiican keena waxay lix jeer u badan tahay in ay helaan shahaado dugsiga sare kadib ah, taasoo keenta in $900,000 oo dheeraad ah oo dakhli ah uu soo galo inta ay nool yihiin.
Waxaanu kugu casuumeynaa in aad hagahani isticmaasho si uu kaaga caawiyo in aad hesho dugsi daboolaya baahiyaha tacliimeed iyo dareenka-bulshonimo ee ubadkaaga, mid u diyaarin doona in ay horumar ka gaaraan noloshooda, xirfadooda shaqo, iyo bulshada.
Great MN Schools waxay waalidiinta & mas’uuliyiinta kala shaqeeyeen sidi ay u horumarin lahaayeen xogta aanu ku siinno Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis). Waxaan ka jawaabnay baaq ka yimid qoysaska si aan u bixino macluumaad dugsi oo tayo leh oo si weyn u daahfuran waalidkana u roon, waxaana ku darnay macluumaad sanad kasta.
Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) waxaa loo horumariyaa si joogta ah; waxa sanadkan lagu soo kordhiyay waxaa ka mid ah qayb cusub oo dib loo habeeyey Sida Loo Doorto Hage Dugsi. Kheyraadkani waxaa muddo dheer lala barbar isticmaalayay Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) oo ugu dambayntii la cusboonaysiinayo. Hadda, Sida Loo Doorto Hage Dugsi waxaa ka mid ah macluumaad ku saabsan sida loo soo baaro dugsiyada iyo sida loogu xirnaado kadib marka aad diiwaangeliso canugaaga, iyo sidoo kale 9-ka Wax ee uu Leeyahay Dugsiga Wanaagsan oo laga yaabo inaad midki hore ka xasuusato.
Marka laga yimaada Sida Loo Doorto Hage Dugsi, waxaan sidoo kale samaynay xirmo kale oo aaladaha bulshada ah oo kaa caawin kara inaad si wanaagsan u isticmaasho nidaamka waxbarashada una doodo canugaaga dugsiga. Midka ugu wayn aaladahaan waa Hagayaasha Qoysaska ee Heerarka MN, oo ah xirmo kheyraad bulsho oo kaa caawinaya inaad fahamto waxa uu canugaagu baranayo sanad kasta ilaa fasalka 8aad. Ku dadaal inaad soo eegto aaladan iyo kuwa kale oo ku yaalla barta www.greatmnschools.org/family-tools.
Waxaanu aaminsanahay in canug kasta uu mudan yahay dugsi u diyaariya guusha nolosha—dugsi keena natiijooyin tacliimeed oo adag bixiyana deegaan waxbarasho oo badbaado ah, oo ku habboon. Waxaan rajaynaynaa Minneapolis School Finder (Dugsi Raadiyaha Minneapolis) inuu kaa caawiyo in aad soo hesho!








